Xildhibaan Maxamed Nur Iftin ”Waxaan leeyahay idinku is guursada gabdho qurxoon waa inaga buuxaane…”

Maxaa naloo dilaa, maxaa naloo dhacaa, maxaa naloo kufsanaa haddii aan nahay Jareer, dadka ayaan la mid nahay, oo diinta ayaa na walaaleysay! Haddii Guurka Jareer la isku dilaa, waxaan leeyahay idinku is guursada gabdho qurxoon waa inaga buuxaane.

Sidaa waxaa yiri {Xildhibaan Maxamed Nuur Iftin}
Saciido Aweys Xaaji: “Murugada iigu xanuunka badani ma ahan Dilkii naxariis darrada ahaa ee loo gaystay saygaygii bilaa dambiga ahaa.
Xanuunka iigu wayni waa wixii aan ku dhihi lahaa carruurtayda yaryar marka ay i waydiiyaan Aabbahood.

Waxa culays weyn igu haya sida aan ubadkayga uga dhaadhicin doono dambiga Aabbohood galay ee nolasha loogu gubay in uu yahay kaliya reerka uu ka dhashay oo doorashadiisa aan cidina ka la tashan isaga.

Sidee ayaan ilmahayga ugu qancin doonaa iyaguna in ay halis ugu jiraan in sida aabbohood oo kale nolasha loo gubo marka ay waynaadaan haddii ay isku dayaan gayaankood oo reer kale ah in ay guursadaan?”.

Maama Saciido ayaa heeysata 8 caruur ah, Sidoo kale waxay heeysaa Aabaha marxuumkii la dilay oo 80 Jir ah.
Maanta Caruurtaa iyo hooyadood waxa ay u baahan yihiin Soomaali ka duwan kuwii ka dilay Aabahood oo tusa garab istaag iyo jaceyl wallaalnimo.
Xigasho Ahmed Laqaaye