Waqtiga Ay Dhaceyso Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Oo La baahiyay

Guddiga doorashada Galmudug ayaa shaaciyay waqtiga rasmiga ah ee ay dhaceyso doorashada guddoomiyaha Baarlamaanka maamulkaasi.

Guddoomiyaha guddigaasi Sayid Xaashi oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in doorashadu ay qabsoomi doonto 3 bisha soo socoto October ee sanadkan.

25-kii bishan oo shalay ku beegneyd Doorashadan ayaa la filayay in ay dhacdo doorashadan, balse uu ku yimid dib u dhac.