Yariisow “Waan Ka Digayaa In La Siyaasadeeyo Hadallada Qaar”

Duqa Muqdisho Eng C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa ka digay in la siyaasadeeyo, islamarkaana si kale loo dhigo hadal uu shalay jeediyay oo ku saabsanaa in ay jiraan Xildhibaano iyo siyaasiyiin doonaya in damaanad lagu soo daayo dadkii ka dambeeyay falkii lagu dilay, laguna gubay Marxuum Mukhtaar Maxamed Saalax ( Axmed Dowlo ) oo ka mid ahaa dadka degan degmada Yaaqshiid ee G/Banaadir.

Guddoomiye Yariisow oo qoraal kooban soo dhigaya bartiisa Faceebooka ayaa sheegay in ay jiraan dad dana gaar ah leh oo siyaasadeynaya hadalkaasi.

“Ma haboona in la siyaasadeeyo warkii ahaa in caddaalad la soo saaro dambiilayaashii ka dambeeyey falkii waxuushnimada ee loo geystay Marxuum Axmed Dowlo oo Xildhiban Xuseen Iidow wax lug ah kuma laha Damaanad raadinta falgaboodkan waana la siyaasadeeyey”  ayuu yiri Yariisow.

Warkan ayaa wixii ka dambeeyay shalay si aad ah ugu baahay barahada Bulshada, kadib markii guddoomiyaha gobolku uu shaaciyay in jiraan Xildhibaano iyo Siyaasiyiin doonaya in la soo daayo dadkii loo xiray falkaasi.