Hindi miyaan noqonay, meydka hala gubo miyaa?.(Yaah. !!!! Hindi- Somali aaa),

Waxaan xasuustaa waqtigii kacaanka annga oo joogno, xeebta Liido ayaan u daawasha tagnay buurta u dhaw Kawaan Bari oo Hindida Xamar degani Ku gubi jireen meeydka.

Waxaan la yaabi jirnay Marka dabku si fiican u qabsado ee Buc buc Ka yeerto, ciddii ooyneysay waa farxi jireen iyaga oo leh dambigiisii waa la cafiyay. Maalmo ayaa subax kasta la gubi jiray,ka dibna dambasta ayey qaadan jireen.

Waan ogeeyn in ay khaldan yihiin, namana saameyn annaga oo toos Xamar ugu aragnay kuwa is gubaya.waxaa doqonnima noqotay kuwii filim Ka fiirsaday ee is gubay. Waa jirtay in Somalida dad nool guryahooda lagu gubay. Amma la aasay. Waa jirtay dulmi kale oo Nin Somali ah loo dilay gabartan ma geydid. Waxaa soo kordhay meydkaagana waan gubayaa iyada oo lagu jiro 2018 waqti bulshadu wax baratay.

Hambalyo gabartaadii jameykaan ayaa aroosay, hambalyo filibiin indha yar ah ayaa aroosay, gaal Greek ah ayaa aroosay, midkoodna Muslim ma ahan Luqadiisana ma taqaanid.

Mar hore ayaa aduunyadu is Ku dhax yaacaday la is wada fiirsaday, ma cusba laakin waxaa khaldan hadduu Somali Muslim ah yahay MAYA, Hadduu Jameykaan Kirirtaana yahay HAA.

Sidee looga hor tagi karaa?

Wacyi galin, waxba tari weyday. Diintu waxa ey Ka qabto haloo sheego, waa ogyihiin. Dowladu wax haka qabato , horaa loogu daalay.

Maxaa xal ah?

Bulshadu hala falgasho, sidee? Dastuurka halagu qoro, qofkii qabanaya xil Madaxweyne, Ra’iisul wasaare, guoomiye baarlamaan, ee u dhaartay in ummaddu u siman tahay, hana tusu, ha guursado lamaane la heyb sooco, xildhibaankii Raba in mar labaad la soo doorto isaguna ha guursado qof la heyb sooco, kuma jirto haweeney markaa la qabo.

Waalidkii ogolaada in Gabdhiisa/ wiilkiisu guursado qof la heyb sooco ee isku dhaqa 3 sanno waxaa la siinayaa $ 50.000. sarkaalkii gabadhiisa/wiilkiisa u guuriyo waxa uu dalacayaa Laba darajo.

Dadku waxa ay Ku daysadaan madaxdooda, qaarna hunguri, labaadaa Ku dhaqankooda muddo kadib caaadi ayeey Ka dhigayaan.

Haddii kale weligaaba idaacadda Ka cambaareey, gabadhaadana u diid adiga laftaadu.Been ha sheegin Masuuloow, wiilkaaga xataa uma ogolid gabar la heyb sooco. Laakin haddii xil iyo xoolo sharad looga dhigo dhamac waa jiraa.

Ar yaan meyd la gubin, Diinta islaamku waxa ay noo sheegtay in Allaah oo kaliya uu Dabka wax Ku cadaabi karo.

Xal kale haddii aad heeyso noo sheeg.

Intii heyb sooc loo gubay, Jaannatul fardoosa.

Qore: Yahya Amir.