Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar oo Heshiisyo sadax kala saxiixday.

Dowladdaha Soomaaliya iyo Qatar ayaa Magaalada New York ee Dalka Maraykanka waxay ku kala saxiixdeen seddex heshiis oo lagu hormarinayo Dhalinyarada Soomaaliyeed.

Heshiisyadan ayaa u suuragelinaya in lagu awood siiyo dhaqaale ahaan dhalinyarada Soomaaliyeed, iyadoo laga abuurayo 75000 fursado shaqo gudaha dalka Soomaaliya.

Waxaa munaasabada lagu kala saxiixday Heshiisyadan goob joog ahaa mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Marwo Sheekha Moza bint Nasser, Guddoomiyaha Golaha Xoghayeyaasha Hey’adda Silatech.

Dhanka kale dhawaan Sheekh Tamim bin Hamad Al Thani oo ah Amiirka Dalka Qatar ayaa saxiixay labo Heshiis oo hore ay u wada galeen Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar kuwaas oo kala ah mashruuca Adeega Duulimaadka iyo Iskaashi dhinaca Caafimaadka.