Wataac: “Isboortiga Soomaaliyeed meel kasta ayuu ka burburay”

Garoonka Diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde Magaalada Muqdisho ayaa muddo laba maalin ah waxaa lagu xayiray wafdi ka socday Xiriirka Shataranjiga Soomaaliya oo ka qeyb gelaya ciyaaro iyo shirweyne caalami ah magaalada Batumi ee dalka Georgia.

Guddoomiyaha Xiriirka Shataranjiga Soomaaliya Axmed Xasan Cabdi (Wataac) oo hoggaaminayay ciyaartoyda iyo wafdiga u socda dalka Georgia ayaa sheegay in Imigrantion-ka lagu xayiray muddo laba maalin ah, isagoona sheegay in lagu soo eedeeyay in wafdigaasi socdaalkoodu yahay is xambaar.

Waxa uu sheegay Guddoomiye Wataac in maamulka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ay ku qanci waayeen dokumentiyada Wasaaradda Isboortiga ee wafdigaasi muujinaya ka qeyb galka ciyaaraha caalamiga ah ee Shataranjiga, hase yeeshee wuxuu tilmaamay in markii dambe Wasiirka Amniga Dowladda Federaalka Soomaaliya Abuukar Islow uu fasaxay safarkooda.

“Isboortiga Soomaaliyeed meel kasta ayuu ka burburay” ayuu yiri Axmed Xasan Wataac oo sheegay inay bixiyeen lacag dhan $ 5,800,000 oo hoggaanka iyo jinsiyadaha uu ku soo rogeen, taasi oo tilmaamay inay shuruud uga dhigeen bixitaankooda.

Guddoomiye Wataac ayaa dhinaca kale sheegay inay nasiib darro iyo tacadi lagula kacay ay tahay qaabka uu maamulka garoonka kula dhaqmay wafdigooda oo Soomaaliya u matalaya shirweynaha caalamiga ah ee ka dhacaya magaalada Batumi ee dalka Georgia.

Sidoo kale madaxa Xiriirka Shataranjiga Soomaaliya ayaa sheegay inay dib uga dhaceen furitaanka ciyaaraha Shataranjiga adduunka oo ay ka qeyb gelayeen wufuud iyo ciyaartoy ka socota 180-dal, taasi oo uu tilmaamay inay uga dhaceen muddo laba maalin ah isla markaana ay dhaafeen laba ciyaar oo ka tirsan tartankaasi caalamiga ah.