Magaca Nabigeena Muxamad NNKH oo noqday kan ugu badan ee loo bixiyay wiilasha sanadkan 2018 ku dhashay Magaalada London.

Sanadkii 1924-kii ayey dalka Ingiriiska ka bilaabatay in sanad walbo lasoo bandhigo 100-ka magac ee ugu badan ee loo bixiyo wiilasha iyo gabdhaha ku dhasha dalkaas, magaca nabigeena Muhammad NNKH ayaa xiligaas 1924 ku jiray kaalinta 91-aad.

Magaca Muhammad ayaa 1924 -1994 ka mid ahaa 100-ka magac ee ugu badan ee loo bixiyo wiilasha ku dhasha dalka Ingiriiska inkastoo 1996-kii ay soo baxday in magaca loo qoro 3 qaab oo kala duwan oo kala Muhammad, Muhammed iyo Mohamed.

Sanadkii 2017 nabigeena Muhammad wuxuu soo galay kaalinta 12-aad boqolka magac ee ugu badan ee loo bixiyo wiilasha ku dhashay dalka Ingiriiska, halka uu sanadkan 2018 magaca Muhammad uu kaalinta 10-aad soo galay kana mid noqday 10-ka magac ee ugu badan ee sanadkan loo bixiyay wiilasha dalka England.

Magaca nabigeena Muhammad NNKH ayaa sanadkan 2018 noqday midka ugu ee loo bixiyay wiilasha ku dhashay Magaalada London taas uu muujineysa in ay kor u sii kaceyso tirada muslimiinta ku nool Magaalada London iyo dadka oo jecel oo jecel in ay wiilashooda ugu magac daraan nabigeena Muhammad NNKH.

10-ka magac ee ugu badan ee loo bixiyay wiilasha ku dhashay sanadkan 2018 dalka Ingiriiska (England) ayaa kala ah : Oliver, Harry,George,Noah,Jack,Jacob,Leo,Oscar,Charlie iyo Muhammad, halka 10-ka magac ee ugu badan ee loo bixiyay gabdhaha sanadkan dalka Ingiriiska (England) ay kala yihiin : Olivia, Amelia, Isla, Ava, Emily, Isabela,Mia,Poppy,Ella iyo Lily.

WD:Muse Mohamed Osman.