Geopolitics: Dhacdooyinka Geeska Afrika ee Qaybtii 2-aad

Dowladaha Sacuudiga, Imaaraadka, Masar iyo Israa’iil oo dhinac ah oo taageero ka helaya dalka Mareykanka ayaa dagaal jaquraafi siyaasadeed culus la geli doona dalalka Turkiya, Qatar iyo Iraan kuwasoo taageero ka helaya wadamada Shiinaha iyo Ruushka.

Dagaalka iyo isriixriixa siyaasadeed ayaa inta badan ka dhici doona Bariga Dhaxe iyo Geeska Afrika.

Wadamada Mareykanka xulifada la ah (Sacuudiga ,Masar, Imaaraadka iyo Israa’iil) ayaa ka hortagaya 3 arrimood:

1. Qorshaha isbalaarinta Shiicada ee bariga dhaxe kasoo loogu magac darey (Cresent Expantion) Isbalaarintii Dayax Bileedka. Waxey ka baqayaan xulufada Mareykanka hogaamiyo in ay dhismaan dowlado awood badan oo Shiica ah kuwasoo isku xiran ( Shiicada Iraaq, Xuudiyiinta Yemen, Xisbul Islaamka Lubnaan iyo Calawiyiinta Siiriya) wadamadaas oo talada iyo hogaamka ka qaata dalka Iraan. Sacuudiga iyo Israa’iil arrintaa ayaa wel wel gelinaysa waana arrinta mideeysey Sacuudiga iyo Isra’iil siyaasadooda arrimaha dibada. Turkiya iyo Iraan waxey si cad ugu soo horjeedaan siyaasada Israa’iil ee bariga dhaxe gaar ahaan qadiyada Falastiin.

2. Isfidinta Shiinaha siyaasad iyo dhaqaalle ahaan isku fidinayo Geeska Afrika iyo marin biyoodka Bab Al Mandab. Dalka Shiinaha ayaa la saadaalinayaa in uu noqon doono wadanka dunida ugu dhaqaalaha badan sanadka 2021-ka wuxuuna markii ugu horeysey taariikhda saldhig milatari ka sameystey dalka Jabuuti. Dalka Shiinaha ayaa sidoo kale ah dalka ugu badan ee maalgeliya dalalka Itoobiya, Kenya iyo Jabuuti wuxuuna ka hirgeliyey dhismayaal kor u qaadaya kaabayaasha dhaqaalaha ee dalalkan sida wadooyin tareen, dayactir dekado iyo wadooyin waaweyn. Wuxuuna Shiinaha wadaa mashruuc uu ugu magacdarey Silk Road (Wadadii Xariirta) oo uu dekado iyo wadooyin isku xiran ka dhisayo Aasiya, Afrika ilaa Yurub tasoo howshiisu bilaabantey. Mareykanka iyo xulufadiisa bariga dhaxe waxey doonayaa isfidintaa Shiinaha in ay ishortaagaan.

3. In laga hortago isbalaarinta dalka Turkiya oo inta uu talada dalkaas qabtey Erdogan la soo baxey siyaasad muujinaysa in dalka Turkiya doonayo in uu soo celiyo hogaamintii iyo awoodii uu dunida ku lahaa xilligii Cusmaaniyiinta. Dalka Turkiya ayaa xiro ciidan ka dhisey magaalada Muqdisho iyo safaarada Turkiya ugu weyn ee caalamka . Dalka Turkiya ayaa sidoo kale la wareegey dekad Suwkin ( port of Suakin) oo badda cas ku taal waxeyna dowlada Suudaan la galeen heshiis dhigayo in dekadan maamulaan mudo 90 sano ah. Turkiya inkastoo Nato xubin ka tahay ayaa haddana dhinac istaagey dalalka Iraan iyo Ruushka dagaalka Siiriya ka socda .

Isbedelada ka socda Itoobiya, heshiisyada ay Sacuudiga hogaaminaysa ee dhexmarey Itoobiya, Eretareeya iyo Jabuuti intaba waxaa dabada ka riixaya dowlada Mareykanka waana isbedelo la doonayo in lagu hanto jaquraafiga siyaasadeed ee Geeska Afrika waxaana looga hortagayaa isbalaarinta Shiinaha, Turkiya iyo Iraan oo saameyn weyn ku leh Xuudiyiinta Yemen iyo marin biyoodka Bab Al Mandab oo sanadkii ay maraan Maraakiib shidaal iyo ganacsi kale sida oo lagu qiyaasey hantida saaran $ 700 bilyan.
Dowlada Soomaaliya isbedelada ka socda geeska afrika iyo bariga dhaxe dhexdhexaad kama noqon karto waxey ay ku qasbanaanaysaa in dhinac taageerto, bilaha soo socda ayaana la arki doonaa.