FIFA Best Awards 2018: Luka Modric oo ku guulaystay abaal marinta xiddiga ugu fiican adduunka.

FIFA ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in Luka Modric uu ku guulaystay abaal marinta xiddiga ugu wanaagsan adduunka ee 2018.

Xiddigaan ayaa Champions League la qaaday kooxdiisa Real Madrid sanadkaan 2018, sidoo kale, xulkiisa Croatia ayuu la gaaray Final-ka koobka adduunka.

Wuxuu abaal marintaan ka dul qaaday laacibiintii kula tartamayay sida Cristiano Ronaldo iyo waliba Mohamed Salah.

Waa markii ugu horaysay ee abaal marintaan uu ku guulaysto laacib aan ka ahayn Cristiano Ronado tan iyo markii FIFA ay ka guurtay Ballon d’Or.