Wasiirka wasaaradda Deegaanka & Isbedelka Cimiladda Dowladda Puntland Dr,Cali Cabdulaaji Warsame ayaa xilka wasiirnimo iska casilay,warqad qoraal ah oo uu faahfaahinayo Iscasiladda wasiirka ayaa nuqul ka mid ah uu soo gaaray warbaahinta Somaliweyn Media Center.
Dawladda Puntland Ee SoomaaliyaWasaaradda Deegaanka & isbedelka cimilada
xafiiska wasiirka |
ولاية بنتلاند الصومالية وزارة البيئة و التغير المناخ
مكتب الوزير |
|
Puntland State of SomaliaMinistry of Environment & Climate change
office of the minister |
||
Ref: WDIC/XW/111/2018 Garowe date: 23/09/2018 |
Ku: Madaxweynaha Dowladda Puntland
Og: Madaxweyne ku Xigeenka Dowladda Puntland
Ka: Dr. Cali Cabdullaahi Warsame
UJEEDO: ISKA CASILID XIL
Ka dib markii aan garowsaday in laga leexday ujeedooyinkii loo asaasay Dowladda Puntland islamarkaana dowladda hadda xukunka haysaa ee uu hogaamiyo Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ay ku fashilantay guud ahaanba himilooyinkii shacabka reer Puntland, dalkana uu soo gaaray bur bur dhaqaale, mid amni xumo iyo difaac la’aan, islamarkaasna ay Puntland dhex dabaalanayso jaah wareer hogaamin iyo mid siyaasadeed oo aad u balaaran kaasoo saamayn xun ku yeeshay qaybaha nolosha dadka reer Puntland.
Ka dib markii aan garowsaday in hay’adihii dastuuriga ahaa ee dalka uu saameeyey burbur baaxad leh ayadoo intooda badan la hoos geeyey Xafiiska Madaxweynaha isla markaana musuq-maasuq baahsan uu hareeyey nidaamkii dowliga ahaa ee ay Puntland ku faani jirtay.
Kadib markii waajibaadkii iyo shaqadii ay Wasaaradda Deegaanka & Isbedelka Cimiladu u haysay dalka iyo dadka lagu wareejiyey Hay’ad si gaar ah Madaxtooyada Puntland u naas-nuujiso, sidaasna loo sameeyey si mashaariicda dano shaqsiyeed iyo musuqmaasuq loogu dabaqo ayadoo lawada ogsoon yahay in Wasaaraddan oo muhiimad gaar ah u leh dalka iyo nolosha dadka aysan saddexdii sano ee la soo dhaafay helin dhammaan xuquuqihii asaasiga ahaa sida mushaarkii shaqaalaha iyo adeegga howl-socodsiinta toona.
Ka dib markii aan garowsaday in baahiyaha Shacabka Puntland ay u qabaan nabadgelyo, dowlad wanaag iyo horumar waara laga hormarinayo danaha shaqsiyaad iyo kooxeysi lagana hor istaagayo dadka tabaalaysan ee reer puntland mashaariicda banii’aadamnimo iyo kuwa horumarineed.
Ka dib markii aan arkay in mashaariicdii horumarineed ee dalka laga fulin lahaa is hor istaag toos ah ay ku sameysay ciddii fududeyn lahayd, islamar ahaantaasna loo adeegsaday Sharciyadda dalka dano shaqsiyaad gaarka ah.
Ka dib markii aan arkay in madaxda ugu sareeyaa dalku uu faragellin toos ah ku sameeyey mashaariicda horumarineed ee adduunyadu ugu yaboohday Shacabka Puntland kana hor yimid in si hufan ay mashaariicdaasi uga hirgasho dalka.
Waxaa xusid gaar ah mudan: (1) Mashruucii dayactirka wadada isku xirta Galkacyo-Garowe (Xarfo-Jalam) ee Dowladda Jarmalku maalgelisay kaas oo dhawaan lagu dhawaaqay inuu fashilmay (2) Mashruucii u adkaysiga abaaraha ee uu maalgelinayey Bangiga Horumarinta Afrika(Drought Resilience and Sustainable Livelihood -Phase II ) kaas oo asaguna fashil ku dhamaaday (3) Mashruuca u adkaysiga abaaraha iyo u diyaar garowga bulshada ee Isbeddelka Cimilada (Strengthening Drought Resilience and Preparedness of Communities Project)mashruucaan oo dhaqaalahiisa ay ku deeqday Dowladda Jarmalku soona marsisay Hay’adda GIZ ayaa 6 September, 2018 heshiiskiisii Wasaaraddu soo saxiixday waxaana laga fulin lahaa qaybo ka mid ah Gobolada Mudug iyo Nugaal.
Nasiib daro faragellin ka timid Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayuu u istaagay Mashruucan.
Haddaba anigoo tixgalinaya daruufaha qalafsan ee maanta Shacabka Puntland ku sugan yahay, naguna eegayaan masuuliyadda aan hayno, ilaahay hortiisna nala waydiinayo masuuliyadaas, waxaan go’aansaday:
Aanigoo ah Dr. Cali Cabdullahi Warsame, in maanta oo ay taariikhdu tahay 23 ka September 2018 aan si rasmi ah iska casilay xilkii Wasiirnimo ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada ee aan u hayey Dowladda Puntland.
Waxaan mahadnaq balaaran u soo jeedinayaan dhammaan madaxda iyo shaqaalaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada. Waxaan sidoo kale si weyn ugu mahadcelinayaa Deeq-bixiyayaasha iyo Hay’adaha Caalamiga ah iyo saaxiibada kale ee wada shaqeyntu naga dhaxaysay.
Ugu danbayn, waxaan u mahadcelinayaa saaxiibaday Goleyaasha Dowladda Puntland wada shaayntii wanaagsanayd ee na dhex martay mudadii aan xilka hayey.
……………………………………………………….Dhammaad……………………………………………………
ALLAA MAHAD LEH
Dr. Cali Cabdullahi Warsame,