Pro Yaxye Sheikh Camir: “Bartilmaameedka aniga ayuu ahaa aagaaladana 7 Koox ayaa dadka Ku Dila ma Sheegi karo qoladi ay aheyd”

Wareysi kooban  oo uu VOA siiyey Prof Yaxye Sheikh Camir oo qeyb ahaan la soo dhigay Facebook ayuu sheegay Pro Yaxye in la rabay in isaga la khaarijiyo uuna ahaa  Bartilmaameedka.

Prof Yaxye ayaa sheegay in Magaalada Muqdisho ay 7 koox dadka ku dilaan uuna garaneyn qolada ay ahaayeen kuwii dili rabay ee Alle ka bixiyey.

Gaariga Prof Yaxye ayaa maanta lagu xiray miino waxaana ku geeriyooday walaalkii Cumar shiikh Camir.

Qoraal uu soo dhigay facebookiisa ayuu ku sheegay in kursiga uu fadhiyey lagu xiray qaraxa balse Aalle ka badbaadiyey xiligaasna uu ka dagay gaariga .
Facebook Comments