FURSAT AY LUMIYEEN GOLAHA SHACABKA MAANTA:

Mar uu shalay isku dayay Xildhibaan Dalxa inuu ka hadlo arin runtii muhiim u ah dhismaha mushtamaca barito ee Soomaaliyeed tasoo ahayd AADAMIGA (humanity), waxaa nasiib daro ahayd inay diideen Golaha Shacabka iyo hogaankiisa inay arintaas dhageeystaan.

Runtii waxay ahayd fursad ka qasaartay xildhibaanadda Golaha Shacabka Soomaaliyeed, maadaama uu Xil Dalxa uu dhibkaas aad ugu fasiri karo xildhibaanadda kale ee golaha oo aanan waxba ka aqoon dhibka haaysta dadka uu ka hadlaayay, waxay ahayd inay dhageeystaan oo fahmaan dhibka uu ka hadlaayay oo jira, nasiib daro ma aysan fahmin ayadoo shalay ay dhacday in aabe lagu gubo shaqadiisa asagoon wax dambi ah aan geeysan oo aan ka ahay hayb nacayb.

Aadmi kasta ee uu ilaah abuuray wuxuu siiyay karaamo iyo sharaf asaga gaar u ah, waa mid aan lagu xad gudbi karin, waa inuu jiraa sharci qeexan oo qofkastoo Soomaali ah u balan qaadaayo in la dhoowro qofka sharafkiisa, Maalkiisa, naftiisa. Waa in laga dhabeeyaa lana hubsadaa sida uu qabo dastuurka dalkeena in qofkasta oo Soomaaliyeed u sinaado cadaalada, wax barashadda, caafimaadka iyo shaqada, tasoo aan aaminsanahay inay tahay dhismaha mushtamaca aan rabno inaan barito u dhisno dalkeena Soomaaliya. Waana mida kaliya ee hurumar lagu gaari karo.

Sheikhnor Abucar Qassim

Facebook Comments