Arsenal oo kooxda Everton 2-0 kaga badisay Garoonka Emirates

Premier League: Kooxda Arsenal ayaa guul muhiim ah kaga gaartay Garoonka Emirates Stadium kooxda Everton, kadib markii ay ku garaacday 2-0.

Everton ayaa marti ku ahayd garoonka Emirates Stadium waxayna Ciyaarta ku bilaabatay iska caabin xoogan oo Everton kala hortagtay kooxda Arsenal kulankooda 6-aad ay ku wada ciyaareen horyaalka Premier League.

Ciyaarta ayaa Qeybtii hore labada kooxood Arsenal iyo Everton ku kala nasteen barbaro 0-0, waloow labada dhinacba ay sameeyeen weeraro halis ah oo goolal lagu dhalin karay.

Qaybtii 2-aad markii dib la isugu soo laabtay ciyaarta kooxda Arsenal oo ku ciyaareesay Emirates Stadium ayaa la soo gashay garoonka qaab ciyaareed ka duwan qeybtii hore waxayna bilaabeen weerar isdaba joog ah.

Daqiiqadii 56-aad ee qeybtii labaad ciyaarta Alexandre Lacazette ayaa dhaaliyay goolka daah furka, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 1-0, kaidb markii uu caawin ka helay Aaron Ramsey ayuu si qurux badan u dhax dhigay shabaqa kooxda Everton.

Arsenal ayaa la tamid goolkeeda labaad ee ciyaarta, waxaana daqiiqadii 59-aad ee ciyaarta 2-0 ka dhigay Pierre-Emerick Aubameyang waxaana mar kale goolkan caawiyay Aaron Ramsey.

Dhanka kale Ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 90-ka daqiiqo 2-0 ay guusha ku raacday kooxda ku ciyaareesay garoonkeeda Emirates Stadium, waxayna Arsenal guushan ay gaartay booska 6-aad kala baxday dhigeeda Man United.