XILDHIBAAN XIDDIGA: “ADEEGGA CAAFIMAADKA EE XILDHIBAANADA WAXA BIXIN JIRAY IIRAAN”

Xildhibaan C/rashiid Maxamed Xidig oo dhowaan hadal kajeediyey dooddii ammaanka ee kusaabsanayd nabadgelyada magaalada Muqdisho ayaa sheegay in uu jiray heshiis ay kula jireen dowlado gaar ah oo kusaabsanaa caafimaadka xildhibaanda.

“Waxaa jiray heshiisyo aan dowladaha qaarkood kula jirnay oo ku saabsan caafimaadka xildhibaanada”

xildhibaanka ayaa sidaas oo kale yiri: “Dowladdii ugu fiicnayd ee caafimaadka xildhibaanada noo sameyn jirtay waxa ay ahayd dowladda aan xiriirka u jarnay ee Iiraan”

Xidlhibaa Xiddig ayaa sheegay in dowladda Iiraan ay bixisay iyo adeeg caafimaad oo ay siisay xildhibaano kujiray Baarlamanakii hore ee Soomalaiya iyo xildhibaano kujira golaha shacabka.

Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xiddig ayaa u soo jeediyey guddoonka Baarlamaanka in Baarlamaanka u baahan yahay dowlado uu si gaar ah xiiriir ula yeesho oo caafimaadka xildhibaanada iyo wixii degdeg ah si dhaqsi uga jawabai kara, maadaama sida uu yiri ay kushaqeynayaan waddan ay xaalladdiisu adag tahay.