Wararkii ugu dambeeyay oo ku saabsan Qaraxyo ka dhacay Isgoyska Dabka ee Magaalada Muqdisho.

Waxaa soo baxaya warar dheeraad ah oo ku aadan labo gaari ayaa ku qarxay Isgoyska dabka ee Magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in labada gaari ay ahaayeen kuwo lagu soo xiray waxyaabaha Qarxa.

Gaariga 1-aad ayaa ku qarxay Isgoyska Dabka ee Magaalada Muqdisho, waxaana ka dhashay Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana gaarigaasi lahaa sida ay wararku sheegayaan Prof Yahya Sheikh Caamir waxaana gaariga ku dhintay walaalkiis oo ahaa darawalka Gaarigaasi.

Sidoo kale Gaariga labaad ayaa ku qarxay degaan dega Isgoyska Dabka, waxaana la sheegay in gaarigaasi uusan geysan Khasaare badan, qofkii waday gaarigaasi ayaa la sheegay inuu soo gaaray dhaawac.

Dhanka kale Qaraxyadaasi waxaa ka dhashay dhaawacyo soo gaaray dad maraayay Wadada xilliga uu qarxaasi dhacayay,waxaana goobtaasi gaaray Ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya oo iyagu halkaasi ka qaaday dhaawacyadda dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadii halkaasi ka dhacay.