Maxay dawlada Maraykanku waftiga Farmaajo. Dalkugalka Maraykanka ugu diiday?

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka baaqday shirka Golaha guud ee Qaramada Midoobey oo dhawaan ka bilowdey Magaalada New York shirkan oo ah shirsanadeed sanadkiiba mar isugu yimaadaan dawladaha Ku jira Golaha guud ee Qaramaha Midoobay.

Sabta uu madweyne Farmaajo shirka uga baaqdey ayaa ah markii wafti badan oo raaci lahaa liiskooda loo gudbiyey safaarada Dawlada Maraykanku ku leedahay Nairobi

Markaa safaaradu u sheeg tay in aanay iyadu awoodin inay bixiso dalkugalka Maraykanka oo ogolashaha laga sugayo wasaarada arimaha dibada ee Maraykanka.

Jawaabtaa. Safaarada ka timid dawlada Faderaalka ee uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo waxay u aragtay mid siyaasadaysan

liiska ayaa ahaa mid dad badan ku Qornaayeen
Xildhibaano shaqaalaha Madaxweynaha iyo Ganacsato wasiiro ilaa 30 Qod dad ku dhow

Madaxweyne Farmaajo waxaa qasab ku noqotey in si dhaqso ah Go’aan u qaadato maadama shirku furmay Golaha Guud ee Qaramaha Midoobay 18.9.2018

The 73rd session of the UN General Assembly will open on 18 September 2018. The first day of the high- level General

Waqtigan hada la joogo waxaa dalku galhaysta sharciyeysa Danjire Axmed Ciise Cawad Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ah muwaadin Haysta Jinsiyada canada.

kooxda Farmaajo oo aad uga niyad jabay sida dawlada Maraykanku u bahdishay waftiga Madaxweyne Farmaajo raaci lahaa oo si dad ban dalkugalka Maraykanka loogu diiday.

Wasiir cawad kalii ayaa baxay
wax raacaya ma jiraan sida aan xogta ku helay

Wasiir Cawad waxa uu ka jeedin doonaa shirweynahaasi khudbadda ku saabsan xaalada wadanka soomaalia. Iyo siyaasada Dawlada Faderaalka.

Madaxda soomaaluda marka ay shircaalamiya tagayaa waxaa ay dhibaata kala kulmaan dalkugalka gaar ahaan wadamada reer galbeedka oo fikir xun ka hayst dhaqanka musuq maasuq ee madaxda soomaaliyeed ee dad badan visa u qaada hab musuq maasuq
ah.

Waxaan wada xasuusanaa fadeexadii dawlada maraykanku kula kacdey bilowgii sanadkan

Madaxweynihii hore ee dowladda federalka Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud ayaa loo diiday Dal ku galka wadanka Mareykanka isagoo la filaye in uu qudbad ka jeediyo Shirka Hormarinta Afrika ee ka dhacaya jaamacada Harvard

Diidmada dalku-galka Xasan Sheekh, ayaa la sheegay in Safaaradda Maraykanku u cuskatay iyada oo Soomaaliya ay ka mid tahay lix wadan oo Muslim ah, oo maamulka Madaweynaha Marayakan Donald Trump uu ka soo saaray dikreeto 13769, taasi oo uu kaga mamnuucay in dalku-gal loo siiyo Maraykanka

Waxaan Falanqeynta ku soo koobayaa dhibaatada musuq maasuq ee soomaalida hogaan kooda lagu bartey waa mid iyaga sumcad xumo ah in maalin kasta horumarka aduunka ka socd iyagu iska reebaan.

Danjire Mahamed Caalim

caalim68@hotmail.com