Akhriso:-Qodobada Looga Hadli Doono Kulanka Golaha Shacabka

Maanta oo Sabti ah ayaa la filayaa in Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ay kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshaan Xarunta golaha Shacabka ee Magalada Muqdisho.
Kulanka ayaa Xildhibaanada waxa ay kaga hadli doonaan dib u eegista xeer hoosaadka Golaha Shacabka.
Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa loo diray farriin wargelin ah oo ku saabsa inuu Maanta jiro kulanka Golaha,isla markaana jandaha uu yahay dib u eegista xeer hoosaadka Golaha Shacabka.
Xildhibaanada golaha Shacabka oo dhawaan Muqdisho ku yeeshay kulan socday mudo Saddex Cisho ah ayaa waxa ay aad uga doodeen xaalada amni ee dalka gaar ahaan Magalada Muqdisho.

Diyaar garoow ku aadan furitaanka kulanka Golaha Shacabka ayaa haatan laga dareemayaa Xarunta Golaha,iyada oo amniga siweyn loo adkeeyey.Maxay tahay sababta dowladdu u fulin la’dahay xukunada dilalka ah
Tan iyo Markii la doortay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo 8-dii bishii February ee 2017-kii , Waxaa Maxkamadda ciidamada qalabka sidda ay riday xukuno kala duwan oo qaarkood lagu riday xubno ka tirsan Shabaab,Askar dishay Askar kale iyo kuwo dad Shacab ah dilay, laakiin ma jirin xukun la fuliyay oo ku aadan Shaqsiyaadkii dilalka lagu xukumay.

Fulinta dilalka ay xukunto Maxkamadda Ciidamada qalabka sidda ayaa soo mara heerar kala duwan ,iyadoona marka ugu dambeysa laga doonaayo in uu saxiixo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xildhibaano ku dhow 50 ayaa dhawaan ku eedeeyay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in uu diiday in uu saxiixo fulinta xukun lagu riday Askari horay u dilay Wasiir ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Soo ifbixidda in uusan Madaxweyne Farmaajo saxiixin fulinta xukunadda dilka ah ee ay riday Maxkamadda Ciidamada qalabka sidda ayaa soo ifbaxday Markii Mas’uuliyiin ka tirsan maamul goboleedyadda iyo xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ay shaaciyeen in ay arintaasi la xariirto Madaxweyne Farmaajo oo heysta dhalashadda Mareykanka, islamarkaana hadii saxiixo in uu la kulmi karo qabad kaga timaada dhanka dalka labaad ee uu dhalashadda ka heysto ,Maadaama aan laga ogoleyn xukunada dilka ah.