Shacabka ku nool W/Bari Kenya oo wada Qorshe ay isku Hubaynayaan si ula dagaalaan Al-Shabaab.

Wararka laga helaayo Gobolka Waqooyi bari ee Dalka Kenya ayaa la soo sheegayaa inay wadaan olole Hubeysan oo lagu abaabulayo Dhallinyarada degaannadaasi, si ay isaga difaacaan weerarrada kaga yimmaadda Ururka Al-Shabaab.

Senotar,Yuusuf Xaaji oo laga soo doorta Koofurta Gaarrisa ayaa mar uu la hadlayay Dhallinyarada degaanka wuxuu sheegay inay abaabul ugu jiraan sidii ay isaga caabbin lahaayeen Al-shabaab, wuxuuna Bulshada halkaasi ku dhaqan u tilmaamay in haddii ay Guryahooda ku dhintaan ay shahiid yihiin, sidaa daraaddeedna ay u soo jeestaan dagaal ka dhan ah argagixisada.

“Ma aqbalayno inaan ka cararno deegaankayna iyo Gabdhahayna, annagoo dhimanna ayaa taasi noo dhaanta, sharcigana wuxuu qabaa in Qofkii loogu yimmaadda ee ku dhinta uu yahay Shahiid”, ayuu yiri Senotar Yuusuf.

Warbixin ay dhawaan soo saartay hay’adda ka hortagga shaqaaqooyinka caalamka ee ICG (International Crisis Group) oo lagu daabacay Wargeyska Daily Nation, ayaa waxay ku sheegtay in ay hoos u dhaceen weerradii ay Al-shabaab ka geysan jireen Nairobi iyo Mombasa Kenya.

Sidoo kale warbixinta ICG ayaa lagu xusayay Sanad guuradii Shanaad ee ka soo wageegatay weerarkii lagu qaaday Westgate Mall ee Magaalada Nairobi ayaa sidoo kale lagu sheegay in wixii ka dambeeyay 2015- kii ay Al-Shabaab wadeen olole ay Dhallinyarada ku nool Gobollada Xeebta iyo Waqooyi Bari Kenya ay ku qoranayaan, iyadoo ay taasina meesha ka saartay markii ay da’ yartu u hoggaansameen wacyi gelinta Culimada, wax garadka iyo madaxda Dowladda.