Howlgal Ciidamada Danab ka fuliyeen deegaan hoostaga Jubbada Hoose oo ku bur buriyay Fariisimo Al-Shabaab.

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab iyo Darawiishta Jubbaland ayaa cagta mariyay labo aag oo ay Al-Shabaab fariisin ku lahayeen oo ku yaala deegaanka Janaay Cabdalle ee Gobolka Jubada Hoose.

Howlgalkaan ayuu Maamulka Jubbaland sheegay in lagu dilay ilaa 18 ka mid ah Maleeshiyada Al-Shabaab oo horjoogeyaal ay ku jiraan, islamarkaana waxay sheegeen inay Ciidamadu soo furteen hub kala duwan oo ay lahaayeen Al-Shabaab.

Wararku waxay sheegayaan in Hubkan laga qabsaday Al-Shabaab ay kala yihiin lix qori oo AK47 ah iyo labo BKM iyo hal isgaarsiinta Ciidanka ah.

Dhanka kale Ciidamada dowladda ayaa maalmahii la soo dhaafay howlgallo ay ka sameeyeen Jubbada Hoose ka gaaray guulo waa weyn sida ay baahisay Wakaaladda Wararka SONNA.