Gudoomiyihii hore Mudane Taabid oo u hambalyeeyey Soomaalidii Ku guuleysatay doorashadii ka dhacday dalka Sweden

Waxaan hambalyo u dirayaa dhamaan walaalahey Soomaaliyeed ee guul ka gaaray doorashadii ka dhacday dalka Sweden mid heer Qaran iyo mid Golle-deegaanba. Waa horumar iyo sharaf u soo hoyatay magaca umadda Soomaaliyeed.

Waxaan si gaar ah hambalyo iyo boogaadin ugu dirayaa saaxiibaday Mubarik Abdirahman, Ahmed Kaboole, Abdullahi Mohamed & Mohamed Yassin oo dhamaan guulo taarikhiya kasoo hoyiyay doorashadii dalka Sweden.

Saaxiibayaal hambalyo, waxaanna Alle idinkaga baryayaa in uu idiin fududeeyo xilka la idiin doortay, sidookale waxaad Astaan ku dayasho mudan u tihiin dhalinyarada Soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaanna dhalinyarada ku nool dalka Sweden.

Hambalyo dhamaan walaalahey Soomaaliyeed!

Mahad-badan