Booliiska Kenya oo Laba Al-Shabaab ku xiray Eastleigh.

Laba ruux oo lagu tuhmay inay xiriir la leeyihiin Al-Shabaab ayaa habeenkii Khamiista lagu xiray Magaalada Islii ee Dalka Kenya.

“Waxaan helnay warar sheegaya in xagjiriintu ay qorsheynayaan inay ku faafiyaan shaqadooda dalka si ay weerar ugu qaadaan,” ayuu yiri Sarkaal u hadlay Booliiska Kenya.

Booliiska ayaa waydiistay dadka Kenyanka inay sii wadaan feejignaanta. “Inkasta oo dadaal kasta loo sameeyay si loo soo saaro oo looga takhaluso kooxdaan, waxaan ugu baaqaynaa dadweynaha inay fuliyaan heerar sare oo feejignaan ah isla markaana si dhakhso ah u soo sheegaan wax kasta oo la Tahmo,” ayuu Booliska ku sheegay bartiisa Twitter-ka.

Toddobaadkii hore, hay’adaha ammaanka ee Gaarisa waxay xireen labo tuhmane oo ka tirsan Al-Shabaab Deegaanada Ijara iyo Libooye.

Guddoomiyaha Northeastern Mohamed Birik ayaa sheegay in labaduba ay yihiin Kenyaan ka yimid Gatundu oo ku yaala Kiambu iyo ajnabiya asal ahaan Yurubta ka yimid.