Dooni siday Dad Rakaab ah oo ku rogmatay Tanzania, Khasaaraha dhimashada oo sare u kacay.

Wararka ka imaanaya dalka Tanzania ayaa sheegaya in ugu yaraan 44 Qof ku dhimatay, tiro intaa ka badana lagu la’yahay markii ay Dooni rakaab sidday ku rogmatay Harada Lake Victoria, ee Dalka Tanzania, sida ay sheegeen Saraakiisha dalkaasi.

Shilkan ayaa dhacay Maqribnimadii Xalay, waxaana la filayaa inuu khasaaraha bato, sida ay sheegeen kooxaha gurmadka oo illaa iyo Maanta ku guda jira howlaha baarista meydadka Dadkii halkaasi ku dhintay.

Guddoomiyaha Gobolka Harada Fiktooriya, John Mongella, ayaa Wakaaladda wararka ee AP u sheegay in 37 Qof la badbaadiyay Xalay, qaar badan oo ka mid ah Dadkaasina ay xaaladdoodu liidato.

Doonida MV Nyerere, oo ku qallibantay meel ku dhow Jasiiradda Ukara Island, ayaanan la ogeyn tirada dhabta ah ee saarnayd, maaddaama diiwaan geliyahii rakaabka laftiisa uu ku jiro Dadka shilkaasi ku geeriyooday.

Dhanka kale Saraakiisha Dowladda Tanzania ayaa sheegay in shilkaas uu sababaty tirada rakaabka oo aad ugu badnayd inta loogu tala galay, iyagoo tilmaamay inay Dadku ahaayeen tiro u dhexeysa 400 illaa 500 oo Qof.