Madaxweynaha Puntland oo aad iyo aad loogu soo dhaweyey magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag

Waxaa si baaladhan loogu soo dhoweeyay magaalada Badhan ee Gobolka sanaag Wafdi uu hogaamiyo Madaxwaynaha Puntland. Taasi oo meesha ka saartay in dhulkaasi lagu muran sanyahay.

Waxa marag madoonta ah ooy cidina dafiri karin in Puntland wadanka Soomaaliyeed isku heeyso. Qaranka Soomaaliyeedna u baabi’lahaa hadeeyna Puntland jirin.

Dr. Abdiwali Gas wuxu qabtay waajib muqadas ah oo ka saaran qaranka Soomaaliyeed. Wuxu buuxiyay xilkii aay Farmaajo iyo Khayre ka seexdeen.

Waxan salaamayaa dhamaan dadka reer Makhir, madaxdooda, cuqaashooda iyo Dr. Abdiwali Gas.

Jamhuriyada Soomaaliyeedna waa hal. Dadka Soomaaliyeedna waa dad qudha.

Waxaanan Ilaaheey ka baryayaa in Geeska Africa nabad noqdo, Soomalina sharafteedii la soo noqoto.

Hamid Masheye