Hordhaca: Paok VS Chelsea Labada Koox Europa League ku isku fara saaraya markii Ugu Horaysay.

Chelsea ayaa kulankeeda furitaankan tartanka Europa League ku wajaheysa dhigeeda kooxda Paok, waxayna rajeynayaa labada koox inay guusha dhankooda ay marto.

Kulankaan wuxuu noqonayaa midkii ugu horeeyay kooxda ee noocaan ah ee dhex-mara labadaan naadi, inkasta ay saddex la dheeshay Blues kooxaha Greek ka socda.

Labada naadi waxay guuldaro la’aan ay yihiin afartii kulan ee udambeysay oo ay ka dheelaan tartamada oo dhan, xili kooxda Paok guushii ugu dambeysay ay White Hart Lane kaga gaareen Tottenham sanadkii 2011-kii.

WARARKA LABADA KOOX

Eden Hazard iyo David Silva ayuu macalinka Chelsea xaqiijiyey inay labaduba seegi doonan kulankaan, islamarkaana aysan qayb ka ahayn xidigaha lasoo safartey kooxda.

Tani ayaa ka dhigan in weerarka ay kasoo muuqan karaan, ciyaartoyda kala ah; Zappacosta, Pedro, Morata inkasta oo maamulaha Blues wax badan ka bedali karo.

Dhanka kale, kooxda martida loo yahay waxaa ciyaartaan udheeli kara laacibkii hore ee Arsenal Akpom, kaasi oo si wayn ugaranaya kooxa Blues.

SHAXDA MACQUULKA AH

PAOK SALONIKA: Paschalakis; Matos, Crespo, Varela, Freitas; Silveira Junior, Canas; Lima, El Kaddouri, Biseswar; Prijovic

CHELSEA: Caballero; Victor Moses, Christensen, Cahill, Palmieri; Ampadu, Fabregas, Barkley; Zappacosta, Pedro, Morata

SI KOOBAN

Kulanka: Paok v Chelsea

Tartanka: Europa League

Garoonka: Toumba Stadium

Saacadda: 19:55 [Fiidnimo, Waqtiga Geeska Afrika]