Awood Qaybsi Mustafa iyo Shide ee Dowlad Goboleedka Somali State

Shacabka Soomaalada ee Deegaakan Somali Galbeed waxay isweydiinayaa suaal ku’aadan awoodaha labada mundanayaal (Mustafa Cagjar iyo Axmed Shide) ay kala leeyihiin.

1. Hadii Dawlad dhexe ee Itobiya iyo cidkale wada hadlayso, Gaar ahaan heshiisiiyo ku aadan dalal dibadeed iyo xoogag siyaasadeed, waxa awoodaas leh PM Abiy iyo cidii uu wakiisho. Asmara iyo wadahadalada ONLF la lagalay waxay u egtahay in uu wakiishay 1. Shide, iyo 2. Mustafa oo so raacaya. .

1. Awooda ku aadan xukunka iyo maamulka SRS waxa awoodeeda buuxda let Madaxweynaha, haddana Mustafa. Wax ala wax uu wasir federaali ku leeyahay ma jirto. Marka laga hadlay SRS awooda Axmed Shide waa in ay ku ekaataa xisbiga uu xoogjayaha ka yahay oo aanay tiradiisu ka badnayn kun qof.

Mustafa waxaa uu Madaweyne u yahay in ka badan 7.5+ ee Deegaaka oo dhan, haday noqoto ku xisbiga raacsan iyo ku neceb labadaba. Hadaba awooda had iyo jeer loo tiriyo Gudoomiyaha xisboga talada hayaa halkay ka timid?

Waxaa dhalay nidaamka diktaatooriga ah ee Itobiya TPLF/EPRDF children. Waxa xooghaya xisbiga dawlad goboleedka Soomaalida dusha looga saarayaa:

1. In uu had oyo jeer fara galin aan caadi ahayn ku sameeyo maamulka,

2. Ugudbiyo xog badan Dawlad federaalka.

3Mararka qaarkood xooghayaha xisbigu madaxda deegaanka ayuu kala qaybiyaa.

Arinkan Shide ka masuul ma aha ee waxaa keeney nidaamka dictatoriga ah ee Addis Ababa ka dhisan.

Waa in arinkan labadalaa. Waa in Xooghayaha xisbogu ka taliyaa xoojinta xisbigiisa oo kaliya.

Faisal Roble