Mareykanka Oo Duqeymo Xoogan Ka Fuliyay Saakow

Wararka laga helayo gobolka Jubbada Dhexe ayaa ku warramaya in xalay diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay duqeymo dhanka cirka ah ay ka fuliyeen degmada Saakow ee gobolkaasi.

Duqemahani oo ahaa kuwa xoogan ayaa waxaa la sheegay in lala bartilmaameedsaday illaa 4 goobood oo la tuhunsan yahay in ay ku sugnaayeen Al Shabaab, sida ay xaqiijiyeen Ilo lagu kalsoonaan karo.

Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay duqeymahaasi, maadaama xilligu uu ahaa mid habeen ah.

Inta badan Mareykanka ayaa duqeymo dhanka cirka ah ka fuliya gudaha Soomaaliya, gaar ahaan deegaanada ay maamulaan dagaalyahannada Xarakada Al Shabaab.