Tacsi Tiiraanyo leg: Suxufi dhanka Sports-ka ee Somaliweyn Radio u ahaan jiray oo xalay lagu dilay Koonfur Afrika

INAA LILLAAH WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Ma dhinte waa ALLAAH kaligiis – Waxaa xalay naloo xaqiijiyey Geerida Walaalkeen Yuusuf Xuseen Yusrifuuda oo xalay lagu dilay Tuulada Philipi ee Cape Town – South Africa.

Yuusuf ALLAHA u Naxariistee wuxuu sidoo kalr ahaa #Suxufi dhanka Sports-ka aad ugu taqasusay wuxuuna Idaacadeenii #SomaliweynRadio u qaabilsanaa Barnaamijka Ciyaaraha – Waxaan uga tacsiyeynayaa dhammaan Suxufiyiinta iyo Umadda Soomaaliyeed meel kastay joogaan.

Abaalkiisa Janada Allaha ka dhigo marxuumka wuxuu ahaa qof insaan ah oo Afkiisa iyo Adinkiisa laga nabad helo – #AllahYaRaxmah

Hadii aanu nahay bahda somaliweyn oo dhan shaqaalihii hore iyo Kuwa hadda Waxay si wadajir Tacsi ugu diraayaan qoyskii uu ka geeriyooday iyo suxufiyiiinta oo dhan in Samir iyo imaan ilaah ka siiyo asagana Jadii Fardowsa ilaah ugu bishaareeyo gacan ka xaq daran ayaa dishay, qabrigiisa ilaah ha u waadiciyo Aamiin.