Sidee loo soo xulayaa Qofka Noqonaya Gudoomiyaha Bankiga dhexe? Iyo (Shaki)!!.

Sida aad ogtihiin waxaa jira qaab qarsoon oo qabiil oo wax lagu qaybsado. Markii ay jirtay Dowladii hore waxaa la yiri qof madaxweynaha ama wasiirka maaliyada ku qabiil ah ma qaban karto xilkaa, sida ayaa loogu dhiibay qof kale oo aan ku qabiil aheeyn labadaa masuul.

Waxaa laga ilaalinayay in qaraaba ahaan uu u fuliyo shaqo aan sharciga waafaqsaneyn oo amar lagu siiyay. Inkastoo qofka somaliga ahi Qabiil kasta ha noqdee uu xaq u leeyahay.

 

Hadda taa waa la bedelay, iminka qofku waa in labadaa masuul midkood uu xigto u yahay, si qof lagu daneysan karo oo qaraaba nimo aaminsan loo helo, sida xeerka aan qorneyn laakin Somalidu iminka ku shaqeyso uu yahay Waqti xaadirka waxaa iska leh in ay isku soo sharaxaan Gudoomiyahah Bank-ga dhexe, Hawiyaha, Reer Xamarka iyo Raxanweyn, mana filayo in Liiskaba laga qabtay, taa ayaa keeni doonta Culeeys siyaasadeed iyo kalsooni daro bank sidaa darteed, dadka hadda codsiyadooda la qabtay waxaa u badan dad ay isku qabiil yihiin Labadaa masuul, si ay u fududaato in ey u shaqeeyaan qofkii soo xulay.

Waxaa suura gal ah in markii horeba Arraajida la tusinayo Beesha caalamka laga reebo dadka la tartami karo kuwaa la rabo iyo in beesha Caalamka lagu beer laxawsado qof Haween ah ayaan ka dhigeynaa, laakin aan loo sheegin qabiilkiisa iyo Danaha siyaasadeed ee laga leeyahay sida qancin siyaasi mucaaradnimo looga baqayo.
Tan kale xirfad la isticmaalay ayaa ah in qofku uu Recommendation ka helo siyaasiyiin kale oo Qabiilkisa ah iyo siyaasiyiin caan ah oo aan qabiilkiisa aheyn si loogu tusiyo in qofkaasi uu heeysto kalsooni. Recommendations ka qaar ayaaba ah been abuur aan loo sheegin qofka magaciisa la isticmaalayo, codsiga waxaa qaadayo xildhibaano ku qabiila oo u geynayo, siyaasiyiin aan kugu qabiil aheyn si ey ugu balan qaadaan fulinta dano kale. Dadka Arrajida qortay lama fiirin taariikhdoodii hore waxaa ka mid ah dad hore loogu eedeeyay xatooyo xoola dadweyne iyo musuqmaasuq ay kula kaceen hanti aheyd mid caalamku ugu talagalay somaliya iyo mid ummaddu leheyd.

Waxaa la yiri: Ajaanib ayaa soo codsan karto xilka gudoomiyaha taa waa khalad kale waxaa diidaya sharciga hadda u dhigan Bankiga dhexe. Dadka la soo sharaxay qaar weligood Bank kama soo shaqeyn, qaarna shaqooyin hoose ayey ka soo qabteen oo aan u qalmin in loo sharaxo xill gudoomiye Bank.
Bagiga waxaa laga eryay inta badan shaqaalihii waayaraga ahaa, waxaa la keenay dhaliyaro cusub, ma xuma in dhalinyro badan la howl galiyo waa arrin wanaagsan, laakin kuwii ey khibradda ka dhaxli lahaayeeyn ayaa la eryay si “Yes man” ugu bato Bankiga, badankooduna ku yimid garab ka taabasho.
Haddiiba Somalidu wax ku Qaybsatay Qabiil, xaqaana ay la haayeen Qabiilo gaar ah waxaa la sugayaa Jawaabta ay bixin doonaan Siyaasiyiinta iyo Xildhibaanada Beelaha Raxanweyn, Reer Xamar iyo Hawiye oo dadkooda uga masuul ah Xaq u raadintooda. Waxaan ka digeynaa in arrintaasu keento kalsooni xuma kale oo Bankiga ku timaado.

Dr. Axmed Cali Cumar.

Gudoomiyaha Aqoon yahanka Banaadir.