Nuxurka Hadalladii Xasaasiga Ahaa Ee Xildhibaanada Golaha Shacabka

Kulankii Baarlamaanka federalka Soomaaliya ee maanta oo looga hadlay dhinaca Amniga ayaa Xildhibaanadii hadalada ka jeediyey waxa ay dhammaan walaac ka muujiyeen xaalada Amni ee dalka.

Xildhibaan Maxamed Cabdulaahi Xasan Nuux oo ah Habdhowraha Golaha Shacabka ayaa sheegay in sugida Amniga Xarunta Golaha Shacabka ay sababtay in la keeno Eeyaha waxbaara,kuwaas oo baaritaano wada.
Sidoo kale mudanayaashii Maanta ka hadlay kulanka ayaa waxaa ka mid ahaa Xildhibaan Maxamed Ganey,waxana uu yiri.

“Dowladda dalka mamaamusha ee Al-Shabaab ayaa maamula,waayo waxaa cadeyn u ah,iyaga ayaa canshuur ka qaada dadka,dadkuna dhinaca garsoorka ayay u doontaan,iyaga oo u aada tooratoorow.

Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre ayaa isna dhankiisa waxa uu soo hadal qaaday dhinaca mushaaraadka Ciidanka,waxana uu sheegay in Xildhibaanada miisaaniyada soo socota ay lacag fiican u ansixiyaan maadaama aysan ku filneyn Boqol dollar.

Xildhibaan Maxamed Isaaq Afaraalle”Dowladdu Shaqadeeda way gabtay waayo halkii looga baahnaa in ay Al-Shabaab weerarto anaga ayay weerar nagu tahay taasina ma ahan mid sax ah.

Mudanayaashii kulanka Baarlamaanka dhamaantood ka hadlay ayaa waxa ay siweyn u falan qeeyeen Amniga dalka gaar ahaan Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho,waxaana Xildhibaan Caasho koos ay sheegtay inaysan kalsooni ku qabin ciidamada dowladda kana baqdo.

Geba gabadii Xildhibaan Warsame Joodax ayaa sheegay in loo baahan yahay in amniga dalka kala xisaabtamaan dhinacyada qaabilsan Amniga si dalka uu u hagaago.