Dagaalka yemen oo waji cusub yeelan doona

Madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa galinkii dambe ee Axaddii shalay gaaray magaalada Jeddah ee dalka Sacuudi Carabiya , saacado yar kaddib markii heshiis nabadeed ay ku kala saxiixdeen magaalada Jeddah madaxweynaha dalka Eritrea Isaias Afwerki iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya.

Horey looma sii sheegin booqashada uu dalka Sacuudi Carabiya ku tagay madaxweynaha Jabuuti, waxaana labadii maalin ee u dambeysay dalkaa ku sugnaa wafdi uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti.

Madaxweyne Geelle ayaa cusuumad ka helay Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Gaar ahaan Boqor Salmaan Cabdulcasiis. Dawlada jabuuti hore ayey u sheegtey in dawlada sacuudigu culays ku saarayso inay Dawlada Eriteriya la heshiiso wax shuruudana ku xirin.

Danta dawlada sacuudiga waqtigan hada la joogo uga shaqeynayso Nabada geeska afrika sacuudiga iyo imaaraadka dantooda amni ayaa Gashay.

cabsida ay ka qabaan kacdoonka kooxaha shiicada ee awoodoodu xawli ku socto ee doonaya inay wada qabsadaan dalal badan oo dawladaha khiliijka ka mida.

Sida xaqiiqda ah Waqti hore ayey awoodeen inay dhaqaalo ku bixiyaan Nabada Geeska Africa.

Inay waqtigan hada lajoogo dawlada sacuudigu heshiisiiso dawladaha Jabuuti iyo Eriteriya oo meel isugu keento

Madaxweyne Geele iyo Madaxweyne Afwerki
Dhaqaalo badan u balan qaado labada hogaamiye kuna qasabto inay ilaawaan wixii colaad ah ee hore u soo dhex maray.

Arinkan heshiiska jabuuti iyo Eriteriya
wuxuu dawlada sacuudiga u sahlayaa inay
waqga hedho Koox Gaashaan bura la noqota oo aad ugu dhow xuduuda bada ee wadanka yemen.

Waxaa ii muuqada in colaad weyn.ka dhex qarxayso dawlada isku haysta danahooda amni mid dhaaqe iyo mid diimeed

Dhamaadka sanadkan 2018 dagaalka yemen hada ka socda waji cusub ayuu yeelan doonaa wuxuu noqon mid caalamiya sida dagaalka siriya oo kale.

waxaa suurta gal ah in dawladaha sudaan iran Turkiga Qatar Cuman. Ka soo hor jeestaan xulufada sacuudiga iyo imaaraadka itoobiya jabuuti Eritariya.

Taariikhda ayaa wax ka baran doona.

Qore Danjire Mahamed Caalim