Ajaaniib U Dhashay Iran Oo Gacanta Ugu Jira Al Shabaab

Mid ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka dalka Iran ayaa sheegay in Al Shabaab ay Afduub ahaan u heystaan illaa 14 Qof oo ka soo jeeda dalkaasi, kuwaasi oo ay ka Afduubteen Xeebaha Soomaaliya.

Xildhibaankani oo lagu magacaabo Cabdul Qafur Iranejad ayaa sheeegay in Xeebaha Soomaaliya lagu Afduubtay 18 Kalluumeysato Iraaniyiin ah, kuwaasi oo 4 ka mid ah laga siidaayay Burcadbadeeda Soomaalida, halka 14 kalena ay gacanta ugu jiraan Xarakada Al Shabaab.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa intaasi ku daray in Wasaarada arrimaha dibada ee dalka Iran iyo hay’adda Sirdoonka dalkaasi ay wadaan dadaallo lagu soo samata bixinayo Kalluumeysatadaasi.

Dhawaan ayey aheyd markii Iran ay sheegtay in ay Burcadbadeeda Soomaalida ay xoog uga soo furatay 4 ka mid ahaa Kalluumeysato u dhashay dalkasi oo ay lagu heystay xeebaha Soomaaliya.