Maqaal Xiiso Leh: Maxaa dadka reer Yaman loo ciqaabayaa?

Waxaa joognaa Aduunyo ay xukumaan Hogaan waashay oo dadka inuu laayo lacag ku bixinaya. imaaraadka iyo sacuudigi abaal Marin bixinayaa maxay tahay?

Saxaafada caalamka ayaa Riywaayad loo dhigayaa?

Hoggaamiyeyaasha Itoobiya iyo Eritrea ayaa magaalada Jiddah ee Sacuudi Arabiya waxay ku saxiixeen heshiish nabadeed oo lagu xoojinayao xiriirka labada dal ee cadaawaddu ka dhaxaysay?

Danta ugu jirta imaaraadka iyo sacuudiga inay xoojiyaan xiriirka labadal wuxuu yahay?

Nala gala dagaalka Yaman oo dadkiina aan ciidan ka Qorono dhulkiina aan ka duqayno yaman? Waa in su’loo badan la is waydiiyaa

Wadamada sacuudiga iyo imaaraadka waxaa ciidan u ah dad ajanabiya asal ahaan intooda badan ka soo jeeda sudaan iyo pakistaa aganistan masar sinigaal

markaa wax ku cusub maaha inay ciidamadii Tababar oo itoobiya iyo Eriteriya oo waayo aragnimo dagaal haystay 20sano ay uraran dalka yaban oo lacag ku gataan.

Waa inaan Fahano Danta ka danbaysa arinkan iyo Waxa lagu abaal marinayo siyaasada ka dan baysa lacag ayaa si shaqsi ah loo siinaya
Labada hogaamiye bilad ah 50milyan$ Raysal wasaare abiye axmed iyo madaxwene afwarke.
Abaal marintu maaha bilad yar oo qoora loogu xirayo. waa abaal marin Qarsoon oo lacag badan ah. ugu yaraan ku dhaw 50milyan$

waa in aad bararaan dhaqanka sacuudiga iyo imaaraadka iyo dhamaan dawladaha carabta
Waxay aamin san yihiin in dadku wada jecel yihiin Qofkii lacag siiya. Dawladaha reer galbeedka ay lacag ku waalaan madaxdoodi ma afrika ayey u daahayaan waad wada xasuusataan waxa uu ku dhaqmi jiray Qadaafi.
Dhaqanka shaxaadka musuq maasuqa ah iyagaa dhaqan ahaan u leh.

Aniga waxaan wax badan ka akhriyey Taariikha dagaaladii carabta dhexmaray
iran iyo dawladaha sacuudigu hogaaminayey waqtigaa.

dagaalka yemen wax badan ayuu kala mid yahay kii kan ka horeeyey ee dhex maray ciraaq iyo iran. September 1980-1988.

Dalka iyo dadka reer yaman inla xulafo weyn loo helo si loo xasuuqo? waa dhaqan hore iran loogu sameeyey. Nabsigii Ciraaq way eeday.
dadka reer yamana waxa loo ciqaabayana wali ma fahmin? Aduun kuna ka amuusay.iyadoo heshiis laga dhex sameyn karo.

Wax dhib ah reer yaman iskuma haystaan shiico iyo suni Nabad ayey u baahan yihiin sida itoobiya iyo eriteriya nabad ugu baahnaayeen.

Dawlada sacuudiga iyo imaaraadku wado khaldan ayey u marayaan arimaha gudaha ee shacabka reer yaman.

Qore Danjire Mahamed Caalim