HADALKA AMB KEATING MUXUU CADEEYNA U YAHAY?

Michael Keating warbixintiiisa Golaha Amaanka ee Qaramadda Midoobay wuxuu hadalkiisa ku furay sidaan” Marwo Madaxwayne, Markii la ii magacaabay xilka waxaan Muqadishu ka dagtay taariikhdu markeey ahayd January 2016, waxaana horay ka aaday Villa Somalia xafiiska madaxwaynaha markaas oo ay jirtay in madaxdda maamul goboleedyadda ay ku hanjabeen inay xiriirka u jarayaan dowladda Federaalka Soomaaliya. Maanta oo aan ka soo baxayna waxaa taagan mushiladaas oo la mid ah tii hore”

Hadaba hadalkaan wakiilka xogayaha guud ee Qaramadda Midoobay wuxuu cadeeynayaa in Mushkilada ay wadaan hogaamiyayaasha maamul goboleedyada uu yahay mid caqabad ku ahaa dowladii hore, tan hada joogta iyo mida imaantoontaba. Taas awgeed waxaan arkaa in la gaaray waqtigii ragaan wax laga qaban lahaa, waayo waxay qatar ku yihiin dowladnimadda umadda Soomaaliyeed oo runtii u dhibaateeysan inay helaan dowlad daryeesha dadkooda iyo dalkooda.

Sheikhnor Abocar Qassim

http://webtv.un.org/watch/michael-keating-unsom-on-the-situation-in-somalia-security-council-8350th-meeting/5834464230001/