Amiirka Qadar oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Cusub Soomaaliya.

Mudane C/risaaq Faarax Cali Safiirka cusub ee Soomaliya ee dalka Qadar oo horay u soo noqday Safiirka Soomaaliya ee dalka Cummaan ayaa gaaray magaalada Doha ee dalka Qadar,waxaana waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay amiirka dalkaasi Sheekh Tamim bin Xamad Al Thani.

Kullanka uu la yeeshay Amiirka Dowladda Qadar ayuu danjiraha Soomaaliya u gudbiyay salaam iyo codsi uu ka siday madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo,iyadoo ay kullanka ka soo baxeen go’aanno miradhal ah.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Qadar Mudane C/risaaq Faarax Cali ayaa sheegay in waxyaabaha uu kala hadlay amiirka dalka Qadar Sheekh Tamim bin Xamad Al Thani ay ka mid tahay in Soomaalida gudaha iyo dibadda ku nool loo furo ciqaamada dalka Qadar si halkaasi uga shaqeystaan.

Dhanka kale safiirka Soomaaliya ee dalka Qadar Amb: C/risaaq Faarax Cali ayaa sheegay in howlaha ugu horeeyo ee uu ku dhaqaaqayo ay tahay sidii ay isku arki lahaayeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Qadar si ay uga hadlaan halka Xaaladda mareyso iyo in la isku garabsado howsha safaaradda ee Bulshada u heyso.