MUQDISHO: Nin Mindi ku hubeysnaa oo gowracay xaaskiisa

Dhacdadan oo aheyd mid xanuun badan ayaa ka dhacday degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, kadib markii Nin ku hubeysnaa Mindi uu gowracay xaaskiisa.

Xasan Taajir oo ah wiil la dhashay Haweeneyda la gowracay oo lagu magacaabi jiray Madiino Taajir ayaa isaga oo murugeysan Shabelle faah faahin ka siiyay dhacdadaasi.

Waxaana uu sheegay in walaashiis shalay gelinkii dambe uu gowracay ninka qabay, kaas  oo uu magaciisa ku sheegay Cabdi Cali Yuusuf, kadibna uu kor kaga Qunfulay Guri ku yaalla agagaarka saldhigga degmada Yaaqshiid ee gobolkan Banaadir.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in lamaanahan ay is Guursadeen 3-dii bishan September, islamarkaana aysan garaneyn sababta ku kaliftay Ninkaasi in uu Gowraco Xaaskiisa.

Facebook Comments