Madaxweyne Farmaajo waa sidee caafimaadkiisa dhinaca Caqliga ?

Maalintii shalay waxaa gaaray magaalada Cadaado madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Cabdi Xaashi Carabeey iyo guddoomiyaha xilka laga qaaday Cali Gacal Casir oo halkaa ka wada shirar ay la leeyihiin xildhibaanno iyo siyaasiyiin ku sugan Cadaado oo dawladda Faderaalku u soo dirtay magaaladaasi.

Waxay dad badan oo reer Galmudug ah jeclaayeen in arrinka madaxda dawladda ee reer Galmudug xalliyaan, balse taas ma muuqato.

Waxay ahayd in Madaxweyne Farmaajo arrinkani soo faragaliyo sababtoo ah isaga ayaa asal ah reer Galmudug ah oo wax badan xallin kara ama Ra’iisal wasaare Khayre oo isaguba asal ahaan ka soo jeeda Maamulkaasi.

Aamusnaanta madaxda ugu sarreysa dawladda Faderaalka ay ku muujinayaan Qalalaasaha siyaasadeed ee ka socda Galmudug ayaa bannaanka soo dhigaya siyaasad qaabdaran oo waji kale yeelanaysa.

Waxay Tilmaan u tahay in Madaxda Villa Somalia ay fulin karin waxay hore bulshada ugu ballan qaadeen ee ahayd in Soomaalidu dhexdeeda xallinayso wixii khilaaf ah oo yimaada si meesha ay uga baxdo gacanta shisheeye.

Sidee ku wada shaqeeyaan Dowladda Dhexe iyo Maamul Goboleedyada?

Haddii aanu jirin wax dib u heshiin heer qaran ama dhisneyn guddiga dib u heshiinta Qaranka kaasaa aad loogu baahan yahay in Golayaasha baarlamaanka ay ansixiyaan.

Caqabadaha taagan sanad iyo bar kaddib:

1) In shisheeyihii la yiri waa laga maarmayaa aynaan waxba ka jirin. Heshiiska Galmuduug iyo kan Jubaland waxaa lagu xaliye soo dhexgalii Dawlada jabuuti iyo itoobiy.

Hashiiskii gaabnaa ee la dhex dhigay somali iyo somaliland dawlada Turkiga ayaa ku taageertay marna yaan Taariikhda been laga sheegi.

2) Dhibtii laga maray dib u heshiisiintii xukuumaddii Madaxweyne Xasan Sheekh ay ka sameeysay Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland oo halkeedii dib loogu celiyay

3) In gobollada ay u baahan yihiin dib u heshiisiin ka qoto dheer oo ka wajiyo badan kuwii horay dowladda dhexe xilligii Xasan Sheekh Maxamuud la sameeyay.

4) Dowladdu in aan lagu aamini karin masiirka Soomaaliya.

5) In Isku tolnaantii dowladda iyo dowlad goboleedyada oo burburtay.

6) In aysan jirin cid qaadaysa masuuliyadda dhibta taagan oo ay ahayd in lagu la xisaabtamo madaxda mandate-ka wadankani heysata.

Si ay u xalliyaan wax kasta oo khilaaf siyaasadeed ama mid bulsho ku yimaada dhismaha dawlad wanaagga waa lama huraan in markasta dowladdu noqoto Hooyo iyo Aabbe wada hadallada la galayo.

Haddii dawladda Faderaalka ee hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo aaney wax wayn u arkaynin qodobka dib u heshiinta inay wax muhiima tahay waqtigaani maxaa diidaya in dawlado shisheeye oo ciidanka AMISOM nabad darteed ugu soo diray Soomaaliya inay dib u heshiisiinna dhex dhigaan Soomaalida dhexdeeda.

Markaa in dawlada Jabuuti, Itoobiya ama Ugaandha soo dhexgasho sow qalad maaha ay sameeyeen madaxda dawladda federaalku inay doorkoodii gabeen oo xallinta khalaafyada taagan kuwaasoo Dawlad wanaaga ku hor gudboon.

Waxaa qoray: Aqoonyahan Soomaaliyeed ahna fallanqeeye siyaasadda Soomaaliya Danjire Maxamed Caalim.

Email: Caalim68@hotmail.com

Tel: +358458712195