Ciidamada Dowladda oo gacanta ku soo dhigay Sarkaal Al-Shabaab u qaabilsanaa Dhigida Miinooyinka.

Wararka ka imaanaya Magaalada Marka ayaa sheegaya in Howlgal qorsheysan oo ay ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya gaar ahaan guutada 14 Oktobar ay fuliyeen lagu soo qabtay horjoogihii maleyshiyada Al-shabaab u qaabilsanaa dhigida miinyooyinka ee dhulka.

Howlgalka ay sameeyeen Ciidanka Guutada 14 oktobar ee Xoogga Dalka ayaa waxay ku soo qabteen Horjooge Saleemaan Cumar Cabdulle oo ka mid ah Maleeshiyaadka Al-Shabaab.

G/dhaxe Axmed Cabdi Cali (Axmed Gaashaan)Taliyaha guutada 14 Oktobar ayaa sheegay in horjogahaan ay ka war heleen xogtiisa kadib markii ay u soo gudbiyeen shacabka ku dhaqan magaalada Marka.

Taliyahaan ayaa sidoo kale sheegay in xiliga la qabanayay Horjogahaani uu buundada Magaalada Marko ku aasayay Miino, iyadoo ninkaasi Shabaabka ah la sheegay inuu xiligii Al-Shabaab ay heysteen magaalada Marka uu gacmaha si sharci daro ah ugu jaray dad shacab ah.

Dhanka kale Saleemaan Cumar Cabdulle ayaa Idaacadda Ciidamada Qalabka Sida u Xaqiijiyay inuu Al-Shabaab ku biiray Sanadkii 2015-kii, isagoo sheegay inuu Shabaabka u qaabilsanaa Aasitaanka Walxaha qarxa, gaar ahaan miinooyinka.