War Deg Deg ah:Qarax xooggan oo lagu soo xiray gaari Gacan oo Caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Waxaa Caawa markii ay saacadu ahayd 11:00-PM magaalada Muqdosho laga maqlay Qarax xooggan oo lagu soo xiray Gaari gacan.

Qaraxaan ayaa la sheegay inuu ka dhacay agagaarka Shirkadda Xawaaladda ee Amal suuqa Bakaaraha ee Muqdisho.

Wararka laga helaayo ayaa sheegaya in qaraxaasi uu sababay dhimasho iyo dhaawac dad fara badan, hase yeeshee ma jiro ilaa iyo hadda cid tirada dadka wax ku noqday Qaraxaasi.

Dhanka kale qaraxaasi ayaa si weyn looga maqlay Degmooyinka ay magaalada Muqdisho, iyadoo qaraxyada iyo dilalka maalmahaan dambe ku soo badanayaan Magaalada Muqdisho, iyadoo dowladu mar walba sheegayso in adkaynayso ammaanka Caasimadda iyo Dalka.

Facebook Comments