SHIRKII KISMAAYO YAA KU GUULEESTAY?

Dhaqdhaqaaq kasta ee siyaasadeed waxay leedahay guul iyo guul daro, hadba waxay ku xiran tahay sida uu siyaasiga uu eego dhaqaaqiisa siyaasadeed inta uusan dhaqaaqaas sameeynin inuu ka fikiro maxaa ka inaan karo guul iyo guul daro.

Sababta keentay inuu shirkaani Kismaayo qabsamo waxaa ka muhiimsan maxaa ka soo baxay?

1- Aduunka (International community) waxay ku mashquulsan yahay sidii Soomaaliya ay u heli lahayd dowlad, Marka ay madaxdda dowlad Goboleedyadda ay yiraahdaan xiriir baan u jarnay dowladda Dhexe taasi waxay u tahay magac xumo, waxayna cadeeynaysaa in mushkilada Soomaaliya ay qayb ka yihiin. Qodobkaan waxay xoojineeysaa taageeradda loo haayo dowladda Federaalka.

2- Wuxuu kaloo shirka Kismaayo banaanka soo dhigay in madaxdda Goboladda iyo dowladooda iyo shacabkooda aysan iska warqabin, ka dib markaan aragnay sida looga hor yimid go’aankooda, tasoo go’aankooda ka dhigeeysa mid shaqsi. Tana waxay guul u tahay dowladda dhaxe.

3- Warqadii ka soo baxday dowladda federaalka wasaaradda maaliyada ee looga dalbaday xisaab celin waxay muujineeysaa awooda dowladda inay ka sareeyso mida goboladda, markale arinkaan waxay guul u tahay dowladda federaalka.

4- Marka uu Madaxwaynaha Federaalka Mudane Mohamed Farmaajo uu ugu baaqay inay u yimaadaan wada hadal qoorkoodna ay diideen waxay muujineeysaa inay diidan yihiin ka mid noqoshadda xal u helida arimaha dalka, taasina waxay xoojineeysaa dowladda federaalka.

Arimahaan markii daraasaad siyaasadeeda lagu sameeyo waxay muujineeysaa in shirkii Kismaayo ay ku guul dareeysteen madaxdda dowlad goboleedyadda.

Wa bilaahi towfiiq.

Sheikhnor Abocar Qassim