RUUSHKA IYO SHIINAHA OO SOO BANDHIGAY AWOODDOODA

Madaxweynayaasha Ruushka iyo Shiinaha mudane Vladimir Putin iyo Xi Jinping ayaa shir uga socdaa magalada Vladivostok ee dhacda xeebaha Bari ee Ruushka. Labada madaxweyne ayaa soo bandhigay xirfaddooda cunno karinta, xilli uu Ruushku ku guda jiro dhoolatus ciidan kii ugu weynaa abid ee ciidanka Ruushka ey soo bandhigaan marka laga reebo xilligii ey katirsanaayeen Midowga Soofiyeed. Dhoolatuska waxaa ka qeyb qaadanaya kumanaan kun oo katirsan ciidamada kumaandoosta ee Shiinaha.

 

Dhoolatuska waxaa ka qeyb qaadanaya 300,000 oo askarta lugta ah, 36,000 gawaarida gaashaaman, in ka badan 1,000 diyaaradaha dagaalka, iyo ku dhowaad 100 maraakiibta dagaalka ah, gujisyo iyo doonyo aan tiradooda la sheegin. Dhoolatusku wuxuu socanayaa 7 maalmood, wuxuu bilaabmay 11/9 wuxuuna dhammaanayaa 17/9.

Labada hogaamiye ayaa ka wadahadlay xaaladda dhaqaale, ciidan, horumar iyo cimilo ey dunidu marayso, iyo sidii loo dardargelin lahaa howlaha u dhiman — iyagoo gabagabadii kala saxiixday heshiisyo xoojinaya iskaashiga labada dal dhinac walba.

Ganacsiga ka dhexeeya labada dal ayaa sanadkaan 2018 50% kor u kacay, waxaana la kala gatay badeecad lagu qiimeeyay $100 Bilyan, sida ey kusoo warrameen hay’adda warbaahinta Ruushka ee loo yaqaan TASS.

Madaxweynaha Shiinaha Xi wuxuu yiri: “Shiinaha iyo Ruushka waxay iska kaashanayaan sidii dunida xasilooni loogu soo dabaali lahaa. Mudane Xi oo hadalkiisa sii wata wuxuu yiri: “Labada dal ee Shiinaha iyo Ruushka waxaa ka go’an iney nabad waarta ka dhaliyaan goobaha dunida ey qalalaasaha ka jiraan — iyagoo dhaqan gelinaya mabaadi’da iyo go’aamada Qaramada Midoobay, waxayna iska diidi doonaan isku dayada halka dhinac ah (unilateralism); iyo siyaasadda isdhowrka dhaqaalaha iyo diidmada tartanka (protectionsm). Madaxweyne Xi wuxuu hadalkiisa kusoo gunaanaday: “taas beddelkeeda waxaan dhiseynaa wadiiqo cusub oo aan ku hagaajineyno xiriirka caalamiga ah (International Relations) iyo abuurista jaaliyad wadaagta mustaqbalka aadanaha”.

Sidoo kale, madaxweyne Putin ayaa adkeeyay hadalka madaxweyne Xi, isagoo si kaftan ah u yiri Shiinaha saaxiibtinnimada nagala dhexeysa iney qotodheer tahay waxaad ku garan kartaan, Shiinuhu waa dalka kaliya ee u dabaaldaga maalinta dhalashadayda.

Dhanka kale, Mareykanka ayaa u fasirtay dhoolatuska ciidan ee labadaaan dal iyo kulanka madaxdooda colaad isaga loola dan leeyahay. Bobo Lo oo ah khabiir ku takhasusay xiriirka Shiinaha iyo Ruushka ayaa yiri: “Shiinaha iyo Ruushka waxay leeyihiin dano mideenaya iney xiriirkooda adkeeyaan”. Bobo oo hadalkiisa sii wata wuxuu yiri: “Shiinuhu waa saaxiib dhammeys u ah mashruuca Ruushku uu ku doonayo inuu dib ugu soo laabto awoodda dunida; Ruushku wuxuu rumeysan yahay in iyaga, Shiinaha iyo Hindiya ey yihiin awoodda diinimakada (dhaqaajineysa) dunida”. Bobo wuxuu kaloo yiri: “Shiinuhu waxay Ruushka ka doonayaan gacaltooyo, Ruushka waxaa laga yaabaa ineysan dhaqaale ahaan sidaas u caawin karin Shiinaha, laakiin wey dhaawici karaan, Shiinuhuna ma doonayo in cadowgu ku bato” ayuu Bobo hadalkiisa kusoo gunaanaday.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa dhowaan cunaqabateeyay badeeco Shiinuhu leeyahay oo lagu qiimeeyay $200 Bilyan, arrinkaana waxay qeyb ka tahay dagaalka dhaqaale uu Mareykanku kula jiro Shiinaha. Taa beddelkeeda, Shiinaha wuxuu Ruushka kala kulmay soo dhoweyn iyo kalsooni heersare ah, heer ey gaadhay in labada ciidan ey si wadajir usoo bandhigaan dhoolatus ciidan.

Abdiaziz Arab