Maxay U Qabtaan Madaxweyne Farmaajo Lataliyeyaashiisa?

Sida dhaqanka Dawladnimo uu  qabo
Madaxweynaha qaranka Soomaaliyeed mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ma habooneneyn inuu shalay furo kalfadhiga afaraad ee golayaasha sharci dejinta(Gollaha shacabka iyo aqalka sare), iyadoo mid kamid ah uu maqan.

Waxaa dastuurka dalka u degsan uu dhigayaa in madaxweynuhu uu furo kalfadhiyada baarlamaanka Soomaaliyeed labadiisa aqal jslamarkaana sida nidaamka dowlanimo ay ku jirto waxaa weeye in hal madal uu kula hadlo sida horay u dhici jirtayba.

Arrintani marka si guud loo eego madaxweynuhu ma ahayn in uu la hadlo garab kamid ah sharci dejiyeyaasha iyadoo furitaanka ay shalay qaadaceen aqalka sare.

Waxaa muuqata tixgelin la’aan MW Farmaajo, uu kula dhaqaaqay golihii odayaasha taasoo keeni karaysa culeysyo siyaasadeed oo hor leh.

Odayaasha dowladda ee Aqalka sare waxay ahayd in madaxweynaha uu dhagaysto balse ma dhicin, taas ayaa sawir aan fiicnayn ja bixinaysa doorka lataliyeyaasha madaxweyne Farmaajo iyo shaqada ay madaxweynaha u qabtaan!

Haddii ay dhacdo in iyagu ay kula taliyeen in madaxweynuhu hormuud u noqdo khilaafkani cusub, waxay muujineysaa masuuliyadda darro miisaankeedu uu weyn yahay saameyn kartana howlaha qaranimo ee dalka.

Lataliyeyaasha madaxweynaha ayaa laga rabay inay door wanaagsan ka qaataan go’aanka aqalka sare ka yimid, islamarkaana iyadoo laga duulayo midnimada gollayaashani ay ka arrinsadaan tallaabada xigi karta.

Khilaafka dhinaca aragtida ee furitaanka Kalfadhiga afaraad ee labada aqal ee baarlamaanka ayaa macnaha ka dambeeya sida aan fahamsanahay waxaa weeye mid ay ka dhallan karaan buuqyo siyaasadeed iyo isqabqabsi soo kala dhexgala  madaxweynaha iyo aqalka sare.

Madaxweyne Farmaajo sida la fahamsan yahay waxaa ku filan oo kaliya oo ay su’aalaan arrinta dowlad goboleedyada maadaama siyaasadda dowladda dhexe ay maamullada ku matalaan.

Waana taas sababata ay iigu muuqanayso culeys siyaasadeed oo hor leh oo Villada ka soo wajaha dhanka aqalka Senate-ka.

Madaxweynaha lataliyeyaashiisu waxaa muuqata in aysan keenin talooyinka saxda ah oo wadanka looga dhaqaajinayo halka uu maanta sababta aan sidaas ku dhahay waxaa weeye laba su’aal ayaa oo aan isweydiiyay baa waxaa iiga soo baxday in tallooyin wax dhisaya aynaan lataliyeyaasha Villa Somalia ku kabin Madaxweynaha, waxaana labadaasi su’aalood ay kala yihiin?

1- Lataliyeyaasha garowsaday in Soomaaliya ay heshiisiiso oo ay isku keento dowladaha Jabuuti iyo Eratariya ma aqoonsan waayeen raadinta midnimada dalka iyo wada hadal lala furo dowladaha xubnaha ka ah dowladda dhexe?

2 Tan labaadna waxaa ay tahay, marka Villa Somalia ay isku dayayso inay shukaamiso madaxweyne xigeennada gobollada iyo guddoonnada baarlamaannadooda lataliyeyaasha Farmaajo ma garan waayeen in dadaalkaas lagu bixiyo madaxweynayaasha si umadda Soomaaliyeed la isugu keeno?

Dhab haddii ay ka tahay oo garawshiyo la’aantaas ay jirto waxaa madaxtooyada la gudboon isbedal degdeg ah ay ku sameeyso lataliyeyaasha haddii ay aqoon u sameeynayaana waxaa iska cad in shaqada ay hayaan aynaan ahayn midnimada dalka iyo dadka oo ay tahay burbur kale oo ku yimaada.

Iyadoo Somaliland ay maqan tahay ayna sii dheer yihiin magaalooyin ku yaalla gobollada Koonfurta iyo Bartamaha dalka oo Alshabaab gacanta ugu jiro!

Waa nasiib darro in iyadoo madaxweyne Farmaajo dowladdiisa oo waqti kooban u hartay wax ay qabatayna ay iska yar tahay, in dhibaatooyinkaasi siyaasadeed iyadoo Ku geedaaman in haddana xalka meesha uu ku jiro aan laga eegahaynin.

Caqabadaha heysta xukuumadda Muqdisho waxaa kamid ah kuwa saameeyn ku leh mustaqbalka dalka sida:

1) Xiriirka dowladda iyo maamullada oo gaaray meeshii u hooseysay.

2) Amnigii magaalada caasimadda Muqdisho oo ahayd nagaalada kaliya oo dowladdu ay ku xooganayd inuu faraha ka sii baxayo.

3) guddiyadii ka shaqeynayay howlaha dastuurka iyo doorashada oo shaqooyinkooda ka qabsan waayay xukuumadda federaalka Soomaaliya.

4) Doorashada Soomaaliya 2020-ka oo qaabka ay u dhacayso laga muujinayo walaac iskaba daa in LA hiigsado doorasho hal qof iyo hal cod oo warbaahinta shacabka looga marrinhabaabinayo.

5) Saameyntii Soomaaliya ka soo gaartay xiisaddii khaliijka oo iyana wali xal rasmiya aan laga gaarin dhinacyada isheystana dhinac aan jirno aan kala garan la’nahay!

Golaha Aqalka sare ayaa walaac ka muujinaya
xaaladahaasi siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo waliba xiriirka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada oo ah caqabo aan la yaraysan karaynin oo mustaqbalka dambe saameyn ku leh.

Waa arrin nasiib xumo iyo niyad jab shacab ku ah in dhaqanka dawladnimo laga dhigo wax hal qof uu go’aankeeda leeyahay, sababtoo ah sida ay wax u socdaan waxaa loo fasiri karaa in Lataliyeyaal shaqeeya oo talo la weydiisto aynaan jirin.

Waxaa igu soo dhacday dhacdo waagii Isticmaarku dalkayaga uu ku jiray ayaa oday Soomaaliyeed oo qowsaar u ahaa Talyaaniga waxaa laga hayaa “Tahliiloow anigoo talinin baa ila talinaysaa adigoo talo heynin”!

Waxaa muhiim ah in madaxda dalku fahmaan rabitaanka shacabka oo aan la siyaasadeynin umaddaan loogu adeego si ay ku dheehan tahay daacadnimo.

Waxaa. Qoray Falanqeyn  Danjire Maxamed Maxamuud (Caalim) oo deggan dalka Finland.
Telfoon: +358458712195