Ciidamada Jubbaland oo Howlgalo ka sameeyay duleedka …

Ciidamada Jubbaland ayaa howgal Waxaa ay ka sameeyeen deegaanka Janaa Cabdalla duleedka magaalada Kismaayo, halkaasoo saldhig ay ku lahaayeen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab.

Goobjoogayaal ku sugan deeganka Janaa Cabdalla ayaa KNN u sheegay in xaaladda deeganka ay saakay tahay mid deggan .

Saraakiisha Ciidanka Maamulka Jubbaland ee Howlgalka horkacaya ayaa waxaa ay sheegeen in ujeedka Howlgaladan ay yihiin sidii loo sugi lahaa amniga.

Muddooyinkii dambe ayaa waxaa ay Ciidamada Dowlad Goboleedka Jubbaland dhaq dhaqayo Ciidan ka wadeen deegaano ka tirsan Gobollada Jubbooyinka, oo weli qeybo ka mid ah ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.