Dhaca Tuugada oo ku soo badanaya Xaafadaha Muqdisho iyo Kaaraan oo dadka ku dhaqan ka Cabanaya.

Waxaa habeenadaan dambe Magaalada Muqdisho xafadaheeda ku soo xoogaysanaya Tuugada Isbaarada Habeenkii dhigata.

Tuugtaan ayaa dadka Xaafadaha Muqdisho ku dhaqan si saf mareen ah uga wada dhaca Moobeelada iyo inay dadka ka qaataan wax kasta oo ay wataan.

Dhacaan kiisa uga daran ayaa wuxuu ka jiraa Xaafadaha ay kooban tahay Degmada Kaaraan, waxayna tuugada qaarkii yihiin kuwo u booda Guryaha dadku degan yihiin iyagoo qaata wixii ay ka helaan guryahaasi.

Arrintaan ayaa ku soo aadaysa xilli maamulada Degmooyinka Muqdisho ay ka dalbanayaan dadka guryaha degan inay bixiyaan Lacago Canshuuro ah oo uu Maamulka Gobolka ku soo rogay Guryaha Muqdisho.

Waxgaradka Xaafadaha Muqdisho ayaa isweynaya sababta dadka Canshuur looga qaadayo, maadaama uu Maamulka sugi la’yahay Nabadgelyada Dadka Muqdisho.

Dhanka kale,iyadoo mararka qaar dadka xaafadaha inta la soo qabto la isugu keeno Xarumaha Degmooyinka, waxaana dhici karta sida horay u dhacday Horaantii Todobaadkaan in Degamada Hodon dad laga doo naayay in Canshuurta bixiyaan ay Al-Shabaab halkaasi qarax la beegsatay, islamarkaan dad shacab ah ay halkaasi ku dhinteen qaarkoodna dhaawacyo halis ah ka soo gaareen.