Madaxweyne Farmaajo oo aan fahmin muuqaalkii shay iyo kan maanta

Shay way xumeed madaxda joogtay waxaa ka wanaagsen kuwa hada jooga oo Geeska afrika Nabad ka dhigaya? Warkaa laba macna leh dadka soomaaliyeed ayaa laga hayaa.

Dhibaatada shacabka soomaaliyeed haysataa waa dagaalka ay wadaan kooxda alshabaab iyaga xal maloohelay iyagaa soomaali nala ah oo dhibaato inagu wada.

Maxaa naga galay itoobiya iyo Eriteriya hashiiyey iyagu dhibkooda ayey xal u heleen.

Dhibaatada Soomaaliya ee
Bariga Afrika waa dagaalka kooxda alshabaab

Marka xaqiiqda laga hadlayo madaxweyne Farmaajo xal cad ma u hayaa dagaal ama heshiis muujinaya in xal soomaaliyeed lagaaro
Waxa loo doortey waa soo af jarida dagaalka alshabaab.

Wadanka soomaaliya waqtigan la joogo laba mashruuc oo masiiba ah ayaa ka socda!

mid waa ciidamada amisom.oo si dadban noogumaysta

Midka kalena waa kooxda alshabaan oo naga dhigtay in soomaalidu cadaw ku tahay bulshada degan geeska afrika. Si dalkeena ciidamo shisheeyo loogu beero.

Isbadal ka dhacay wadanka itoobiya xal u mahayo dhibaatada ka dhaxaysa shacabka somaliyeed iyo kooxda alshabaab

Waxaa Falanqentayda farta ku fiiqayaa waa goorma marka soomaaliya isbadal dhinaca nabada iyo horumarka ka dhicikaro?

Waxaa wax wax in la iska waydiiyo mudan Dowladda shaqeyneysa. ee bixissa mushaarka shaqaalaha rayidka ah, ciidamadeennana maxay u qarinaysaa inay sheegto inta mushaarada qaadata ee ciidan iyo Rayid ah iyo lacagta ay qaataan tiradeeda.

Ciidan lacag qaata oo dagaalka alshabaab loo diidan yahay shaqada inay qaadaa oo wadooyinka furaan. mushahaarada. Waxa lagu siiyi xukumada ayaa taqaan.

Wax qabadka xukumadu waxaa ugu horeeya in
marka hore kooxda alshabaab iyo Daacish xal siyaasadeed ama xoog siyaasadeed Dhibaatadooda lagu xaliyo

Wixii maanta ka dhacay degmada hodan.maaha isbadalada geeska afrika waa dhibaatada haysata shacabka soomaaliyeed ee xal in loo helo la doonayo.

Dadka aaminsan in dalka dariska nala ah inay xalinayaan dhibaatada soomaaliya waa kuwa aan taariikhda akhrin madaxda cusub ee itoobiya iyo madaxdii hore waa isaga mid in la ilaaliyo danta itoobiya.

Anagu waxaan u baanahay madax ilaalisa danta shacabka soomaaliyeed.

W/Q: Danjire Mahamed Caalim