Faisa Maxamad oo ka mid noqotay xildhibaanadii Ku guuleysatay Xisbiga Vänsterpartiet ee Örebro Sweden

Tartan adag oo dheero maalmo badan qaatay kadib waxaa shalay 9-9-2018 la soo gaba gabeeyay doorashadii Sweden, halkaaso Faisa Maxamad ay ku guuleysatay xubin nimada Golaha Degaanka Magaalada Örebro ee dalka Sweden ayadoo ku tartameysay xisbiga Västerpartiet oo ah Xisbiga Bidixda.

Faisa Maxamed, Waxyaalaha ay dooneyso iney ka shaqeyso waxaa ka mid ah in xanaanada caruuurta tayadeeda la hagaajiyo, in kooxo yar yar ( groups) loo qaybiyo caruurta si ilmo walba loogu helo wakhti wax lagu bar.

In ardayda iskuulada ku liita ay helaan kaalmo dheeraad ah ee dhinaca tacliinta ah ayaa ka mid ah arrimaha kale ee ay xooga saari doonto afarta sano ee soo socda haddii ilaahay raali ka noqdo. Guul Faisa Maxamed! Guul dhamaan hablaha iyo hooyooyinka soomaaliyeed

Halmbalyo, Hambalyo, waxan Allaha kaaga baryeyna ariimaha badan oo ku hor yaalo inuu Allah ku fududeeyo GUULEYSO.

Hassan Osman
Örebro Sweden