Maamul goboleedyadu waa dabar ku xidhan dawladoobidda Soomaaliya

Saaxiibkeen Maxamed Aadan Ciiraale oo malaha aad u la dhacsanaa una qiiraysnaa warmurtiyeedkii shirkii maamul goboleedyada ee Kismaayo ayaa xalay halkan ku soo qoray hadal macnihiisu ahaa, waxaa la is ku hayaa waa Soomaaliya federaal ah iyo Soomaaliya aan federaal ahayn, waxaana 100% guusha leh dadka federaalka raba, guuldarradana 100% waxaa leh dadka diiddan federaalka. Odaygu meesha wax uu keenay qaddiyad weyn oo ka dhaxaysa ummad weyn, una baahan dood, garnaqsi iyo is qancin. Laakiin go’aan qufulan oo aan fursad yarani cid kale u ga bannaanayn ayuu dubbaha ku dhuftay. Bal haddaba aan is ku dayo in aan qufulkaa xoog ku jebiyo oo go’aankiisa aan tanasulka lahayn eray ku dirqiyo kkkkkkkkk.

Waa run oo is ka dabo wareeg badan oo Soomaaliya ka jira waxaa u sabab ah arrin aan afka la ga dhihin laakiin waaqic ah oo dareenka iyo hab-dhaqanka siyaasadeed ee dadka ka buuxda maalin walbana ka muuqata. Taasi waa in hannaanka federaalka ee la qaatay haddana dad aad u badan oo shacbi iyo siyaasiba lihi weli diiddan yihiin. Maxaa keenay hannaankaa haddii la qaatay oo dastuurka la gu qoray haddana in ay dad badani diiddan yihiin, taas oo ah sababta dhabta ah ee uu weli u shaqayn la yahay? Sababta oo ah waa hannaan bilawgiiba in kasta oo dad badani raacsanaayeen haddana asalkiisaba shisheeye Soomaalida u soo dhiraandhiriyay kuna sandulleeyay berigii ay u gu taag iyo talo yarayd. Dabadeed dadkii badnaa ee aan qorshahan maya dhihi karayni wax ay doorteen in ay afkana ka yidhaahdaan waannu oggol nahay, ficil ahaanna shaqada ka xayiraan oo xitaa burburiyaan. Tusaale ahaan madaxweynayaashii Cabdillaahi Yuusuf ka dambeeyay oo dhami waa federaal-diid, afka se ka ma dhahaan. Isdiiddadaas aan runta la isaga sheegayni waa fidnada kowaad ee siyaasadda Soomaalida ku jirta, oo xitaa argagixisada nafaqaysa. Kol se haddii aan daacad la isaga ahayn la ga ma doodi karo oo la ma sixi karo. Wax ay se ahayd in runta la gu dhiirrado oo la ga wada hadlo arrinka sidiisaba in dib loo furfuro, dabadeed meel daacad la ga yahay wax la ga soo wada dhaqaajiyo, haddii kale weligeed sida bisadda iyo jiirka ayaa la is dabo dhuumaalaysanayaa.

Cilladda kale ee federaalka ka dhalatay dabadeed siyaasadda Soomaaliya dabartay waa xidhiidhka is boqno goynta ah ee dawladda dhexe iyo maamul goboleedyada, taas oo federaal-doonista iyo federaal-diidmada belo kale u weheliso. U gu horreynba waxaa ah arrin danta iyo dawladnimada ka fog in ay maamul goboleedyadu u gaashaanbuuroobaan la loollamidda iyo colaadinta dawladda dhexe. Badhasaabyada gobolladaa jooga dhexdooda maxaa mideeya ee keenay in ay dawladda u midoobaan? Ma federaalnimada ay dawladdu ka cagajiidayso ayay iyagu is ku wada raacsan yihiin? Jawaabtu waa maya, dhab ahaantii se waxaa mideeya qodobbadan: 1) Awood aan dastuuri ahayn ayay doonayaan in ay isa siiyaan, waana ta keenaysa in ay had iyo jeer u dhaqmaan sidii dawlad madaxbannaan, ilaa arrimaha debedda. 2) Waa niman musuqmaasuqa bannaystay, sidaa darteed wax ay ka dhimanayaan in ay hirgasho dawlad dhexe oo leh awood la xisaabtami kartaa. 3) Waxaa dhiirrigeliya oo dawladnimada Soomaalida ogaan u gu dhufaana quwado shisheeye, gaar ahaan Tigreega, Kukuuyada, Aal Nahyaan, Maraykan iyo qaar kale (Isbeddelka cusub ee Xabashidu wax weyn buu arrintan ka beddeli doonaa). 4) U gu dambayn nimankan kuwooda federaalnimada xagjirka ku ah baa gaashaanbuurtan ujeedkooda ku buuxsada.

Dhab markii loo hadlana, maamul goboleedyadu in ay isu gu tagaan qarqarsiyidda dawladda dhexe si aanay u kicin, iyaga oo shisheeye dabada ku la jira, waa khiyaano qaran oo ay tahay in shacbi weynuhu ku kaco oo ku qasbo in ay dawladdooda ka amar qaataan, u gana dambeeyaan shaqadeeda ay u gu horreyso arrimaha debedda, gaashaandhigga, amniga iyo garsoorka sare. Tusaale ahaan go’aanka ay shalay ka soo saareen in aanay dawladda dhexe la shaqaynayn waa dembi qaran oo ay dastuurka ka galeen, waayo waa caasiyoobid iyo amardiiddo. Haddii se aan dawlad iyo dastuur dan la ga lahayn ee la isu budhcadaynayo waa meesheeda.

Ibrahin-Hawd Yusuf