Cosoble oo Qaran dumis ku tilmaamay Go’aankii M/Gobaleedyada.

Cali Cabdullahi Cosoble Madaxweynihii hore ee Maamulka Hirshabeele ayaa waxaa si kulul ugu hadlay go’aanka ka soo baxay Madaxda Dowlada gobaleedyada ka jira dalka ee maal mahan ku shirsanaa Magaalada kismaayo ee Gobalka Jubada Hoose.

Madaxweyne cosoble ayaa waxaa uu qaran dumis ku tilmaamay Go’aanada ay Kismaayo ka soo saareen Madaxda Maamul gobaleedyada,Waxaa uuna xusay in wax lala yaabo ay tahay in masuuliyiin falkan isku raacaan.

Sidoo kale Waxaa uu sheegay in sida Ajnabi oo kale ay u hadlaan Madaxda Maamul gobaleedyada ay tahay mid lala yaabo,isagoona shaaca ka qaadday in dowlad gobaleedyada ay doonayaan in ay dumiyaan Dowlada dhexe ee Soomaaliya.