XANUUNKA GUDAHA KA JIRA AYAA DAWEYN U BAAHAN.

Siyaasad oo dhan waa tan arimaha gudaha waxaana wanaageeda iyo ka mira dhalinteeda gundhig u ah in la hagaajiyo tan gudaha dalka marka siyaasada arimaha gudaha la hagaajiyo ayaa tan arimahu dibaduna ay hagaageysaa, Sidaas waxaa yiri Thomas Phillip “Tip” O’Neill Jr. oo ahaan jiray mar af hayeenka aqalka hoose ee dalka Mareykanka waxaana kalmadiisu ay noqotay hal qabsi ay inta badan wada isticmaalaan madaxdda aduunka maanta ka talisa..

Hadalka Mr O’Neill waxaa laga dhadhansan karaa sida ay muhiim u tahay in dal kasta uu sees iyo saldhig adag u dhigo siyaasadiisa arimaha gudaha.

Marka aanu eegno dalkeena hooyo intii bur burka lagu jirey dhawr dawladood ayaa la soo dhisay iyadoo ciladaha ugu badan ee ay u shaqeyn waayeen ay ahaayeen siyaasada arimaha gudaha oo aysan ku guuleysan in ay dejiyaan raggii madaxda ahaa waxaana halkii taas ay culeyska saari lahaayeen ku mashquuleen in ay xooga saareen siyaasada arimaha dibada oo ajnabi iska gadis iyo raali gelintiisa ah taasoo mar kasta fashil kusoo dhamaata.

Haatan dawlada ay madaxda ka yahiin Madaxweyne Maxamed Cabdulahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre halkii laga doonayey in ay ka faa’iideystaan qaladaadkii horey u dhacay waxaa muuqata in ay iyaguna weli kusii indho cad yahiin xoog saarida siyaasada arimaha dibada oo safaradoodu ay badan yahiin iyagoo iska iloobay culeyska ay leedahay siyaasada arimaha gudaha iyo hagaajinteeda.

Mudada ay haatan xilka hayaan Mudane Farmaajo iyo Mudane Kheyre waxaa in badan ay ku cel celiyaan in dalku uu u baahan yahay maalgashi caalami ah.

Waxaa haddaba muhiim ah in madaxda is weeydiiso dal aan siyaasadiisu arimaha gudaha ay deganayn oo nabadgelyadiisu aanay fiicneyn oo qaraxyo iyo dilal joogta ay ka dhacayaan waayo cida maal gashanaysa oo kusoo dhiiranaysa.

Ugu dambayntii dad badan oo indheer garad ah oo aan la hadlay ayaa badankood isku raacey in dawladu si ay ugu guuleysato siyaasada arimaha gudaha loo baahan yahay in guud ahaan dalka oo dhan laga sameeyo dib u heshiisiin dhab ah oo daacadnimo ku dhisan, cadaalad in la helo sharciguna cid kasta ka sareeyo,shacbiga oo kalsooni lagu abuuro si ay dawlada uga gacan siiyaan xasalinta dhinaca amaanka,dad aqoonteeda iyo khibradeeda leh madax looga dhigo hay’adaha amaanka iyo in la sameeyo ciidamo gaar ah isaguna jira kuwa sirdoon oo dhar cad iyo qaar hubeysan oo mushaar fiican la siiyo anshax ahaana u dhisan sidoo kalena shacbiga u naxariista.

Aqriste bal adiguna aragtidaada ka dhiibo mowduucan.

Abdullahi Nur Colombo