Geeska Africa & Danaha is Diidayn!

Wasiirka koobaad ee Ethiopia Abey Axmad waxa ka muuqata isku kalsoonaan, aragti fog, dhiiranaan iyo go’aan qaadasho tusinaysa in uu doonayo in uu wax ka bedelo dhaqankii siyaasadeed ee ka jiray geeska Africa.

Ninkaan oo taageero ka haysta waddamada gacanka ayaa intii yareed ee uu talada dalka Ethiopia joogay waxa uu ku guuleestay in uu jebiyo xayndaabyo waaweyn oo aan marna lagu riyoonayn in ay fudeydkaas ku jebi karaan!

Waxaa ka mid ah xayndaabkii dhex yiilay Ethiopia iyo Ereteriya, kii Masar iyo Ethiopia, kii Ereteriya iyo Jabuuti iyo kii Soomaaliya iyo Ereteriya.
Xawli aad u xooggan ayuu ku socdaa Abey Axmad oo u baahan in si qota dheer looga baaraan dego.
Si Soomaslidu ula jaan qaado is-bedelada geeska Africa waa in aan muujinaa isku duubni, aragti-wadaag, u heelanaanta danta guud iyo in aan meel fog fiirino oo aan isku foorarka faraha badan aan soo af-jarno!

Si goolashaas loo gaaro waa in:

1/ la furaa janalo dooda qaran oo Muxaafid iyo Mucaarad intuba ay ka qayb qaataan oo ku saleysan aragti qaran oo ka xeyl-dheer isku haysiga awoodaha gudaha.

2/ in la bilaabo dib u heshiisiin guud oo heer qaran ah oo dhammaan bulshada qeybeheeda kala duwan lagu heshiisiinayo, si loo soo celiyo isku-kalsoonidii bulshada Soomaliyeed oo uu tarar aad u xooggan uu soo gaaray.

3/ in si gaar ah heshiis loola furo qolyaha hubeysan, intooda wada hadal ogol si loo yareeyo dhaawacyada soo gaaraya dadka, dalka, diinta iyo deeqa.

4/ in maamul-goboleedyada iyo dawladda dhexe iska kaashadaan danaha guud ee heer qaran oo aysan ku indha beelin is-xusuleynta hoose ee dhexdeena taala.

5/ in aan mar walba wada tashi joogto ah la yeelano dawladda Jabuuti ka hor inta aanan qaadin tallaab kasta oo ku aadan isbedelada geeska Africa.

Hassan Hundubey Jimale