DULUCDA WAR-MURTIYEEDKA

War-mutiyeedka Golaha Iskaashiga Maamul- Goboleedyada ee ku soo dhammaaday magaalada Kismaayo, waa mid aad ka dhadhansan kartid in uusan lahayn xanaf badan, taxadar badanna ka muuqdo, danooyin badan oo gurracan ee is-diidaya.

Waxaa dhici karta in maalmo ka bacdi aad aragto in maamuladii oo Villa Soomaaliya u kala dhuumanaaya, ee xargo been ah iyo dabinno siyaasadeed la isku dhigaayo.

Gunaanadka shirku wuxuu ahaa:
1. In laga wada hadlo khilaafaadka jira
2.In la joojiyo fara-gelinta qaawan ee Dowladda Dhexe ku hayso maamulada.
3. In la helo dammaanad-qaad (guarantor) saddexaad, ay ula jeedaan beesha caalamka in ay garwadeen ka noqoto.

“Aan wada hadalno waa aan hishiinno”, weli sheekadu rajo beel ma aysan gaarin, inta shaki iyo tuhumo ay taagan tahay.

Wa billaahi towfiiq,

Dr. Khalif M. Duale
Legal/Political Analyst.